Monday, October 11, 2010

Dilka Sharafta oo Ku Soo Badanaya Dalka Suuriya & Dumarka oo Qoorta Loo Dheereeyo Hadii In Yar laga Shakiyo Dhaqankooda & Kooxaha Xuquuqda oo Arintaa Ka Doodaya

 

SYRIA(burcotoday)- Dalal badan oo Carab ah ayaa waxa ka taagan muran ku saabsan dilka Sharafta oo ah dil lagula kacco dumarka iyadoo dumarkaa lagu dillo kadib marka laga shakiyo  dhaqankeeda ama inay suuqa ku jirto,
 Dalka Suuriya ayaa kamida dalalka murankaasi ka taagan yahay iyadoo ninka Reer suuriya hadii uu ka shakiyo gabadhooda ama xaaskiisa uu markiiba madaxa ka jarayo iyagoo ku doodaya inay sharaftooda ilaalinayaan isla markaana dilkaa oo caan ka ah dalal badan oo Carab ah looga yaqaan DILKA SHARAFTA,
 Kooxaha Xuquuqda u dooda ee dalka Suuriya ayaa ku dhaleeceeyey xukuumada Suuriya inay aad u fududeeyeen xukunka qofka geysta dilka noocaa ah iyadoo qodobka 192 ee dastuurka dalka Suuriya uu dhiggayo inuu xadhig yar la xidho ninka dilla Inantiisa ama walaashii ama xaaskiisa isagoo sharaftiisa illaalinaya, Qaanuunkaa ayaa markii hore ahaa Xabsi Daa,im laakiin markii danbe laga dhigay xadhig sanado kooban ah,
 Kooxaha Xuquuqda ee dalka Suuriya ayaa ku doodaya in Ragga Suuriya ay dillaan hablahooda hadii in yar oo shakiya uu ka gallo hablahaa dhaqankooda isla markaana uu ninkaasi Reerkooda dhexdiisa uu kaga noolaado sharaf iyo ixtiraam iyadoo loogu mahad naqo laguna amaano inuu dillay gabadhaa oo sharaftooda meel uga dhici lahayd ama uga dhacdayba,
 Kooxaha Xuquuqda ayaa sheegay in dalka Suuriya in la dillo Dumarka ay la mid tahay iyadoo Reerku ay Bireeyeen Xabad Diggaagad ah isla markaana cid dib isu weydiinaysaa aanay jirin hadii gabadhaa uu soo gallo in yar oo shaki ah, Kooxahan ayaa dalbanaya in Qaanuunka dalka Suuriya wax laga bedello qodobkiisa ku saabsan Ragga laaya dumarka iyagoo ku sheegaya inay suuqa gashay ama inay ka shakiyeen dhaqankeeda,
 Dilka noocan oo kale ah ayay warbixintan sheegtay inuu aad ugu soo badanayo dalka Suuriya iyadoo maalin kasta ay ka dhacaan dilal dumarkaa lagula kacco, Ragga Suuriya ayaa iyagu ku doodda inay dillayaan hadii ay arkaan Inantoodii uu si xun u socota isla markaana ay sharaftooda iyo sharafta Reerka ay illaalinayaan,
 Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment