Thursday, October 7, 2010

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo faahfaahin ka bixiyey Sababta Keentay Inay Xukuumad Ahaan Xayiraan Hawlihii Telefishanka Universal Ka Waday Somaliland

 

Hargeysa (OWN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire), ayaa ku eedeeyey telefishanka Universal Tv inuu ka dhigtay wararka Somaliland uu ka diyaariyo qaar barobagaandho ah oo lagu burburinayo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.
Md. Geeljire oo waraysi siiyey Idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, waxa uu sheegay in telefishankaasi sifo ka baxsan anshaxa warbaahinta warar uga diro Somaliland, isla markaana madaxdiisu diideen inay ka jawaabaan sababta arrintaasi ay u samaynayaan, sidaa daraadeedna khasab noqotay in la joojiyo shaqadii uu ka yahay Somaliland.
Waraysigaas lala yeeshay wasiirka, waxa ugu horreyn lagu waydiiyey sababta ay u cuskadeen joojinta shaqadii telefishanka ee Somaliland, isna waxa uu ku jawaabay, “Waxaannu u cuskanay siday uga waramaan Somaliland oo aannu wax ka diidnay barmaamujyada ay ka duubaan, waxaanay ka jawaabi waayeen dalabkii aannu doonaynay in aannu kula kulano [masuuliyiinta telefishanka]. Waxyaabaha ay duubaan oo aannu u aragno inay barobogaadho yihiin oo aanay ahayn war sugan, waayo waxa ka maqan isu miisaankii, waxa ka maqan dad ka jawaabaya waxyaabaha ay duubaan oo dhinacayaga ah ma soo daayaan, waa waxaannu doonayno inay ka jawaabaan oo aannu waydiino.”
Wasiirka oo la waydiiyey sida uu u arko haddii telefishanku wararka u gudbiyo ay iyaga ula muuqato inay dhexdhexaad yihiin oo aanay waxba falin, waxa uu ku jawaabay, “Markaanu jawaab codsano sow inay nagala hadlaan maaha, oo aannu nidhaa sidaasaanu u aragnaa ee maxay ku dhacday arrintaasi ama aad sidaa u yeesheen? Markaa illeyn qancin baa meesha taala.”
Md. Geeljire oo la waydiiyey in wararka telefishankaasi sii daayo loo diyaariyo qaabka xukuumaddu doonayso mise inay kaba soo horjeedaan wararka Somaliland laga sii daayo, waxa uu yidhi, “Horta annagu sidaanu doonayno waanu u caddayn doonaa, waanu daawanaa oo ummaddayadu way daawataa, sidaanu u aragnaa barobagaadho ayuu u badan yahay ka soo horjeeda Somaliland iyo midnimadeeda, waxa ka mid ah siday u buunbuuniyaan nabad-diidka Somaliland oo ka jira gobollada Togdheer iyo kuwa SSC la yidhaa siday uga soo waramaan, laakiin waxaa waxa isku fuuqsaday waxaannu doonaynay inay ka jawaabaan waxay sidaa u yeelayaan waxay u sii dayn la’yihiin jawaabihii aannu ka bixinay waxyaabaha qaar ee ay hoosta u dhigayaan. Warka si bay u duubanayaan annaguna si baanu u aragnaa, warku waa in dhinacyada uu khuseeyo wax laga waydiiyo xattaa haba waayaane. Markaa hawl baa naga dhaxaysa ee maaha inay telefoonada xidhaan. Dawlad baanu nahaye wixii wadankayaga aannu ka waydiino waa inay ka jawaabaan.
Mar la waydiiyey Wasiirka su’aal ahayd ‘in laga yaabo in dhinacooda wararka wax laga waydiiyo oo ay sugiwaayeen ama ka degdegeen,’ waxa uu kaga jawaabay, “Lagama yaabo ee markaanu codsano waa inay ka jawaabaan, maxaannu u sugaynaa ma lacag bay nagu leeyihiin. Markaanu waydiino wixii qarankayaga waxyeelaya cidna u daba fadhiisan mayno, kelidood lama macaamilno ee umado badan xataa idinka (VOA) ayaanu idinla macaamilnaa, wixii aannu codsano waa in nalooga soo jawaabaa, annaguna dad macquul ah baanu nahay oo jawaabta wixii na qanciya qaadan kara wixii kalena ka doodi kara.”
Waxa kale oo la waydiiyey wasiirka inay ula muuqato inuu ku kacay fal cabudhin ah isagoo og qadarin warbaahinta madaxbannaan oo awood ay adeegsadeen, waxaannu yidhi, “Horta cabudhin adiga ayaa ugu yeedhay ee maaha, annagu cabudhin mayno ee waddankan xil baa naga saaran wixii ka dhacana dawlad baanu u leenahay, keliya waxaannu codsanay in aannu waxan (wararka telefishanku Somaliland ka baahiyo) ka wadahadalno, iminka haddii ay Wasaaradda Warfaafinta noogu yimaadaan oo aannu ka wadahadalno arrimaha naga dhexeeya cabudhinmaynee markaanu heshiino waanu u sii dayn doonaa. Horta awoodda aannu leenahay wadankayaga ayaanu ku difaacaynaa, laakiin madaxdoodu markay wadahadal diideen, kama cabanayno xafiisyada gudaha, markaa awoodda aanu leenahay haddii aanaan dalkayaga ku difaacin maxaannu ku falaynaa? Sow maaha in annu ku joojino wixii aanaan raali kala ahayn dalkayaga iyo dadkayaga, taas ayuu xil naga saaran yahay ee Universal (telefishanka) nagama saarna.”
Weriyaha Idaacadda ee waraysanayey Wasiirka oo su’aalay in arrintani meesha ka saarayso dimuqraadiyadii Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Dimuqraadiyaddu waataanu doorashada ku qabsanay, waataanu ku codaynay ee safafka u galnay, waataanu ku kala nabadgalnay, waataanu dawlad, Baarlaman, Guurti iyo xisbiyo u leenahay, maaha dimuqraadiyad Universal ha idin caydee u dulqaata, dimuqraadiyad maaha taasi ee malaha buugaagta ayey wax kale idiinku qoran yihiin. Jamhuuriya

0 comments:

Post a Comment