Wednesday, December 1, 2010

Dalka Mareykanka Wiil Dhalinyaro Ah oo 15 Jir Ah oo Afduubay 23 Ka Mida Ardeydii Iskuulkiisa & Macalinkisii Isagoo Xabad Isku Dhuftay Markii Danbe

CHICAGO(BCT)- Booliska Dalka Mareykanka ayaa sheegay in  wiil dhalinyaro ah oo 15 jir ah uu qol ku xidhay macalinkiisii iyo 24 ka mida ardayda iskuulkiisa isagoo wiilkaasi dadkaa ku qabtay Baastoolad uu sitay, wiilkaa ayaa mudo halkaa ay ugu afduubnaayeen ardeydaa iyo macalinkoodii, Wiilkan ayaa Boolisku sheegay inuu la soo galay iskuulkaa oo ku yaala magaalada Wisconsin e waqooyiga mareykanka Bastoolad,

Taliyaha Booliska ee magaaladaa Jeffrey Schorik ayaa sheegay in aan la garaneyn sababta ku kaliftay wiilkaa yar inuu afduubo ardaydii ay wax wada dhiganayeen iyo macalinkiisii, Wiilkaa yaa Boolisku sheegay inuu markii danbe siidaayey ardeydaa laakiin uu isagu xabad isku dhuftay,Taliyaha Booliska oo qabtay shir Jaraa,id oo uu arintaa kaga waramayey ayaa sheegay inay galeen qolkii uu wiilkaasi dadka ku haystay kadib markii ay maqleen dhawaaqa xabada uu wiilkasi isku dhuftay,


Booliska ayaa sheegay in wiilkaa oo aanay sheegin Cida ama qofka uu yahay inay u qaadeen Isbitaalka kadib markii uu soo gadhay dhaawac xun, Iskuulkan oo ay dhigtaan 700 oo arday ayaa waxaan la garaneyn sababta uu wiilkaasi dadkaa u qafashay isla markana uu xabada isugu dhuftay, Guud ahaan dalka Mareykanka ayay in badn ka dhacdaa in qof qori ama Baastoolad sitaa uu soo gallo iskuul ama meherad isla markaana uu halka ku dillo ama ku dhaawaco dad shicib ah,
 


0 comments:

Post a Comment