Wednesday, December 8, 2010

Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International Oo Warbixin Ka Soo Saartay Raafka Lagu Hayo Soomaalida Ku Dhaqan Kenya

Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ka hadashay dhibaatada iyo jidh dilka loo gaysto qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka kenya , waxaana warbixinta lagu sheegay  in hay’adaha amaanka ee dalkaasi ay si xun ula dhaqmaan Soomaalida nabedgelyo doonka ah ee ka cararaya dhibaatada iyo colaadaha ka jirta dhulkooda.

Ha’adda Xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International  ayaa sheegtay in qaxooti fara badan oo ku sugnaa gudaha wadanka Kenya ay ciidamada amaanka dalkaasi ku qasbeen inay dib ugu soo celiyaan Soomaaliya kuwaasi oo haatan ay dhibaatooyin kala duwan ku hayso xadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya loona baahanyahay in gar gaar beni aadanimo la gaarsiiyo.

Waxaa kaloo ay Amnesty International  ka dhawaajisay in xeryaha qaxootiga ee ku yaala waqooyi bari ee wadanka Kenya ay dadka halkasi ugu nool yihiin cabsi xoogan kadib markii ay hay’addu xustay in xeryahaasi ay ku soo badanayaan dhalinyaro taabacsan afkaaraha qalifsan kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, waxaana warbixintu ay intaa ku daraysaa in xaqootiga ay u nugulyihiin in kooxaha Al-shabaabka Taageersan halkasi dhalinyaro kala duwan ka soo qortaan si ay ugu sii huriyaan dagaalada fidnada ah ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Hay’adda xaquuqda aadanaha ayaa warbixintan usoo saartay  beesha caalamka looga dalbaday sidii Dowladda Kenya loogu cadaadin lahaa in ay magan gelyo siiso dadka ka cararaya dhibaatooyinka kooxaha xagjirka ee Soomaaliya ka dagaalama  ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

0 comments:

Post a Comment