Borama(BCT)- Saaka Barqadii ayaa waxaa walga warhelay guri gubanaya oo ku yaala Xaafada Sh/Axmed Salaan ee Bariga Magaalada Borama, gurigaas oo noociisu ahaa Guryaha Jiingada laga sameeyo kaas oo ka koobnaa koobnaa Laba maqsin.
Gurigan ayaa sida ay noo sheegeen ilo xogogaal ahi , waxaa ku noolaa qoys kooban oo aan ka badnayn Shan Qof , kaas oo uu ku jiray, Oday waayeel ah iyo ilmo yar.
Dabkaasi ayaa ugu danbayn waxaa waxyeelo ka soo gaadhay odaygii waayeelka ahaa oo halkaas ku geeriyooday , waxaana halkaas isaga oo nool laga soo saaray, ilmo yar oo ka badbaaday dabkaas laakiin dhaawac fudud ka soo gaadhay.
Dabkan ayaa waxa la sheegay in uu ka kacay Kibriid ay gabadh yari shiday dabadeedna uu sidaas kuu qabsaday Gurigii oo dhan.
Marxuumka dhintay ayaa Magaciisa waxaa la odhan jiray, Faarax ismaaciil Ceelaabe, waxaa isla galabtana lagu aasay Xabaalaha Carro qoolaab ee Bariga Magaalada Borama, inaallilaahi wa inaa illaahu raajucuun.
.


0 comments:
Post a Comment