Monday, December 13, 2010

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL oo Kulan la yeeshay Jaaliyadda Soamaliland ee Finland

Helsinki(BCT)- Gudoomiyaha Golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxman Maxamed cabdillaahi ayaa galabta la kulamay Jaaliyadda Somaliland ee wadanka Finland, Kullankan waxaa aayado quraanka kariimka ka akhriyay isla markaana soo dhawayn iyo mahadnaq ah ka soo jeediyey gudoomiye xigeenka jaaliyadda SL mudane ABDILAAHI AADAN ROOBLE.


Gudoomiye  Cabdiraxman  waxaa uu soo jeediyey mahadnaq dhammaanba jaaliyadda Somaliland,gaar ahaan inta ka soo qayb gashay kullanka,isagoo sheegay xaaladda adag ee jawiga hadda iyo isxilqaanka ay sameeyeen anigoo og sida ay u adagtahay xilligan isu socodku. Gudoomiyhu waxaa akhriyey khudbad dheer oo koobaysa dhammaanba warbixin guud oo koobaysaa dalkii hooyo, doorashooyikii iyo isbedelka haatan ka dhacay dalkii, oo uu sheegay inuu u soo jeediyey dhegaha iyo indha dadyaw badan.

Shaqada iyo xilka golaha wakiilada iyo qaab dhismeedkiisa, waxaa kaloo sharxay wixii u qabsoomay intii uu jiray golahani iyo muddadii uu hayay xilka shir gudoonka golaha wakiiladaba.

Waxa uu si mug leh ugaga waramay jaaliyadda socdaalkiisan uu haatan ku joogo wadanka Finland, muddadii uu ka soo maqnaa dalkii inta dal uu soo maray iyo kullanada hawleed ee kuu soo qabtay dalka kiiniya, Austeria, Germany, Switzerland, Sweden iyo haatan oo uu joogo Finland.

Gebagabadii kullanka waxaa la wadiiyay Gudoomiye cabdiraxman Cirro su’aalo badan oo dhinacyo badan khuseeya, waxaana uu uga jawaabay si waafiya oo qancisay ka qaybgalayaashii Kullankan. Kullankan oo ahaa mid aad u xiiso badan aadna ay u jeclaysteen dhammaanba intii nasiibka u heshay waxaa lagu soo gunaanaday salaanta gudoomiyaha iyo la kullankiisa.

0 comments:

Post a Comment