Tuesday, December 21, 2010

SAMUEL ETO’O oo loo magacaabey xiddiga kubada cagta ee qaaradda AFRICA

CAIRO(Burcotoday) Ciyaaryahanka reer Cameroon ee Samuel Eto’o ayaa loo magacaabey xiddiga sanadkan 2010 ee kubadda cagta qaarada Africa ,waana markii afraad ee ururka xidhiidhka kubada cagta ee qaarada africa ee loo yaqaan CAF ay gudoonsiiyaan bilada iyadoo xafladaasina ka dhacdey magaalada Cairo ee dalka Egypy .

 
ciyaaryahankan oo 29 jir ah ayaa wuxuu ka guuleystey ciyaartoyda kala ah  Asamoah Gyan  oo reer Ghana ah iyo xidiga haystey abaalmarintii sanadkii hore ee Didier Drogba oo ah reer ivory coast .Samuel eto’o oo ah xiddiga ugu badan ee ku guuleystey abaalmarinta haybada iyo sharafta sare leh taas oo markii ugu horeysey uu ku guuleystey sanadkii 2003 ayaa sidoo kale waxa loogu codeeyey inuu yahay xiddiga ugu fiican FIFA Club World Cup isagoo kula guuleystey kooxdiisa Inter milan sabtidii hore .
xiddigan reer Cameroon oo dhaliyey goolkii labaad ee u xalaaleeyey kooxda Inter milan iney hantaan koobka loo yaqaan TOYOTA CUP iyagoo ka badiyey kooxda TP Mazembe oo ah kooxdii ugu horeysey ee reer africa ah ee soo gaadha finalka koobka kooxaha horyaalada qaaradaha dunida tobankii sanadood ee lagu tartamaayey koobkan ,kooxdan ayaa ka dhisan dalka  Democratic Republic of Congo.

Kooxda Inter milan oo uu ciyaartoygan ka ciyaara weerarka ee Samuel Eto’o u ciyaaro ayaa noqotey kooxda horyaalka naadiyada dunida,kooxda horyaalka kooxaha yurub,iyo weliba kooxda horyaalka dalka talyaaniga,sidoo kale wuxuu u soo ciyaarey kooxaha ka dhisan dalka Spain ee kala ah  Real Madrid, Real Mallorca iyo Barcelona ,wuxuuna door muhiim ah ka qaadey iney kooxdan Inter milan hanato koobab faro badan sanadkan 2010ka .
si kastaba ha ahaatee xidan oo ah kabtan xulka qaranka dalkiisa Cameroon ee lagu naaneyso (Indomitable Lions) ayaa ku hadhey siddeed dhamaadkii koobka qaramada qaarada africa ee lagu qabtey Angola horaantii sanadkan 2010 ka laakin guuldaradii iyo jabkii ugu weyneyd ayaa ku dhacdey ka dib markii laga badiyey dhamaan saddexdii ciyaarood ee ay la ciyaareen kooxaha ay isku groupka ahaayeen ee koobka aduunka ee lagu qabtey qaarada africa sanadkan igoo noqdey kooxdii ugu horeysey ee ka dhoofta dalka koonfurta africa.
Geesta kale kooxda TP Mazembe oo noqotey horyaalka qaaradda africa mudo afar jeer ah ayaa soo reebtey kooxda reer Braxil ee Internation iyadoo laba iyo waxba kaga badisey todobaadkii hore ciyaar ka tirsan koobka Toyota Cupka ah oo lagu qabtey dalka United Arab Emirates intaaney isugu soo bixin kama danbeystey kooxda Inter milan ayaa sidoo kale loo magacaabey kooxda ugu fiican ee qaarada africa ee sanadkan.
Sidoo kale Milovan Rajevac oo ah macalinkii hogaaminaayey kooxda Ghana sanadkan isagoo geeyey wareega siddeed dhamaadka koobka aduunka ee dalka koonfur africa lagu qabanaayey ,wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Serbia wuxuna noqdey tobbabaraha ugu fiican ka hor intaanu ku biirin kooxda reer saudi Arebia ee Al-Ittihad Jeddah.
Geesta kale billadaha la bixiyey waxa ka mid ah xiddiga kooxda Al-Ahly ee reer masare kana ciyaara dhexda ee Ahmed Hassan ayaa noqdey xiddiga ugu fiican ciyaaryahana dada yar ee qaarada africa sidoo kale xiddiga reer Ghana ee  Kwadwo Asamoah  ayaa loo magacaabey ciyaaryahanka ugu kartida iyo mustaqblka fiican leh ,ugu danbeyntiina kooxda meteleysey dalka Ghana ayaa loo magacaabey kooxda ugu fiican xulalka wadamada qaarada africa.

0 comments:

Post a Comment