Friday, December 31, 2010

Hargeysa: 85 Arday Oo Ka Qalin-jebiyey Machadka barashada culuumta caafimaadka Ee SHIFA + SAWIRO

Hargeysa (BURCOTODAY)- 85 arday oo ka qalin jebiyey machadka barashada culuumta caafimaadka SHIFA ee magaalada Hargeysa, ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Xafladan ardayda lagu gudoonsiiyey shahaadooyinka oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, maamulka iyo macalimiinta SHIFA, Dhakhaatiir Salaadiin, aqoonyahan iyo marti sharef tiro badan.

Maamulaha SHIFA Health Training School Cali Axmed Cali oo uu ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga hadlay geedi socodka waxbarasho ee dugsiga soo maray tan iyo wakhtigii la aasaasay oo ku beegnayd horaantii 1999-kii.

“dufcada maanta qalinjabinaysaa waa dufcadii 8-aad ee dhamaystay waxbarashadii dugsigan ay ka baranayeen, waxaanay isugu jiraan 65 arday oo bartay kalkaaliyenimada iyo 20 bartay shaybaadhka.” Ayuu yidhi maamule Cali Axmed Cali.

Maamuluhu waxa uu sheegay in waxbarashada Schoolku aad u wanaagsan tahay, isla markaana ay mar kasta u hawlgalaan sidii ay u suurto galin lahaayeen waxbarasho caafimaad oo tayo leh, isagoo xusay inay wada shaqayn fiican leeyihiin wasaarada caafimaadka iyo xaruumaha kale oo ee lagu fidiyo adeegyada caafimaadka, isagoo tusaale u soo qaatay Manhal Hospital oo uu sheegay inuu xidhiidh fiican oo wada shaqayn ah ka dhexeeyo.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isna madashaa hadal ka jeediyey, ayaa si weyn ugu amaanay machadka SHIFA waxbarashada caafimaad ee uu bixiyo. “School-kani waxa uu ambaaray inuu dadka waxbaranaya u diyaariyo qalabkii wax ku baran lahaayeen”ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas raaciyey oo uu yidhi “waxa aan halkan ka balanqaadayaa inan marka aan dibedaha tago idinku soo xidho Schoolada sidiina oo kale caafimaadka laga barto.”

Guddoomiyuhu waxa uu ku booriyey shicib iyo dawladba in la sameeyo goobo caafimaad oo waa weyn si looga baxo baahiyaha caafimaad ee dibeda loogu tagayo ee lacagaha badani ku baxayaan.

Suldaan Xasan Barre oo isna xafladaas ka hadlay, ayaa isna si weyn u bogaadiyey ardayda qalinjabisay iyo macalimiintii dadaalka weyn ku bixisay waxbarista ardayda, isla markaana waxa uu tibaaxay kaalin weyn kaga jiro kobcinta iyo horumarin culuunta caafimaadka.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Dr Cabdishakuur Sh Cali Jawhar, Pro Cadaad, Dr Shiine, Saleebaan Raamboo iyo Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo dhamaantood hoosta ka calaamadiyey mihiimada wax ku ool ka ah ee ay leedahay barashada caafimadku, isla markaana waxa ay ardayda ku booriyeen inay aqoontooda dhinaca caafimaadka sii kordhiyaan oo aanay halkaas ku joojin, iyagoo maamulka machadka SHIFA-na uga mahadceliyey dadaalka  ay u galeen taabo galinta waxbarashada caafimaadka.

Dr. Shiine
Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar
Dr. Saleebaan Ramboo
Digtoorisa Jinow

0 comments:

Post a Comment