Wednesday, December 8, 2010

Afhayeenka Kulanka Cilmi Baadhista Islaamka Oo Sheegay In Dowlada Maraykana Ay Ku Samayso Faragelin Arimaha Gudaha Ee Dalka Masar

Afhayeenka Kulanka Cilmi Baadhista Islaamka Oo Sheegay In Dowlada Maraykana Ay Ku Samayso Faragelin Arimaha Gudaha Ee Dalka MasarMasar(BCT)-Afhayeenka Rasmiga ee kulanka cilmi baadhista Islaamka Al-azhar Maxamed Rufaacatu Al-dhahaawi oo la hadlayey wakaaladda wararka ee bariga dhexe ayaa sheegay in bayaankii ka soo baxay dowladda Maraykanka ee  ku aadanaa in kiristaanka  dalka Masar uu cadaadis xoogan kala kulmaan Muslimiinta, iyadoo sidoo kalana aan loo ogolayn in ay ka qayb galaan nolosha siyaasadeed ee dalka Masar ay tahay faragelinku Maraykanka uu ku sameenayo arrimaha gudaha dalka Masar.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Masar Ambassador Xussaam Zaki ayaa toddobaadkii la soo dhaafay sheegay in warbixin sanadeedka wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka ee ka soo saartay xaaladaha xorriyaatka Diimaha caalamka uu yahay mid xukuumadda Masar aasan soo dhoweenayn islamarkaana uu yahay mid la siyaasadeeyey,Dalka Masar oo ah dalka ugu tirada badan dalalka Carabta ayaa tirada dadkiisu gaarayaan 80 Malyuun oo qof, taasi oo %10 ay yihiin kiristaanka ahi.

Xussaam Zaki ayaa intaas ku daray in dowladda Masar ay u aragto dowladda mareykanku mid isu caleemo saartay mid u taagan ilaalinta xuquuqda aadanaha caalamka,  Zaki ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowladda Masar ay soo dhoweenayso warbixnada ka soo baxa QM.

Warbixinta wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka ayaa ku eedeysay xukuumadda Masar in ay midab kala sooc ku sameyso dadka Qibdiyiinta iyo Bahaa’iyiinta dalkaas , kuwaas oo loo diido in ay ka shaqeeyaan xarumaha dowladda, islamarakaan kooxda Ikhwaanul Musliim-ku kala kulmaan dowladda xariga iyo cadaadis xilliyada doorashooyinka.

0 comments:

Post a Comment