Saturday, December 11, 2010

Hindiya oo Ku Fashillantay Tijaabada Gantaalka AGNI2 Isagoo Badda Ku Dhacay Wax Yar Kadib Markii La Ridday & Khubarada Dalkaa oo Baadhaya Sababta uu Gantaalkaasi u Soo Dhacay

HINDIA(BCT)- Dalka Hindiya ayaa ku fashilmay tijaabadii koobaad ee ay ku sameeyeen gantaalka AGNI 2 kaasoo awooda inuu qaaddo madaxa hubka nuclearka ah, Gantaalkan aya maanta oo jimce ah kusoo dhacay xeebta Bengal wax yar kadib markii hawada loo diray,


Gantaalkan oo lagu magacaabo AGNI PLUS 2 oo ah mid ridadiisu dhex dhexaad tahay ayaa laga tuuray ama laga ganay saldhiga milateriga ee gobolka ORRISSA STATE ee bariga dalka Hindiya,Laakiin gantaalkaa ayaan u dhicin sidii la doonayey isagoo wax yar kadib Badda kusoo dhacay,


Cittancco Carr oo ah ninka ku hadla afka wasaarada difaaca ee dalka Hindiya ayaa sheegay in gantaalkaasi markii la ridday uu ka leexday waddadii uu haystay ama loogu tallo galay taasoo keentay inay fashilanto tijaabada gantalkaasi, Carr ayaa intaa ku dary in iminka la baadhayo sababta ay tijaabadaasi u fashillantay iyo sababta uu gantaalkaaasi u soo dhacay,


Gantaalka AGNI PLUS 2 ayaa ah nooca dhexe isagoo u dhexeeya gantaallada kalle ee AGNI2 & AGNI3. Gantaalkaa ayaa Riddadiisu gaadhaysaa 2000km halka kuwa kalena ay ka yihiin 2500 & 3000km,


Khubarada ku takhasuusay hubka noocan ah ama gantaalada ayaa sheegay in gantaalka AGNI2 uu yahay nooc casri ah oo ay u dhan yihiin qalabkiisii oo dhan isagoo qaadi kara madaxa hubka Nuclearka ah isla markaana meel fog wax ka duqeyn karra, Khubaradan ayaa sheegay in aanay illaa iminka garaneyn sababta uu gantaalkaasi usoo dhacay laakiin lagu sameyn doono baadhitaan badan,



Dalalka Hindiya & Pakistan oo iyagu haysta Hubka Nuclearka ayaa waxaa ka dhexeeya tartan xooggan oo ku saabsan dhinaca hubka iyadoo labadaa waddan hadii mid tijaabiyo gantaal ama hub kalle uu isla markaaba waddanka kallena uu tijaabiyo gantaal lamida, Labadaa dal aya hoosta iska og mid walba hubka uu haysto iyo waxa cusub ee kusoo kordha,





Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment