Monday, December 20, 2010

Wafti uu hor kacaayo Hobolka Wayn ee Maxamed Saleebaan Tubeec oo Si heer Sare ah Loogu soo dhaweeyey Magaalda Jigjiga

Jigjiga(bCt)Waxaa saaka Abaarihii 10ki subaxnimo Ayay soo Caga-dhigatay Diyaaraadii waday Wafti Qurba-joog Ah Garoonka diyaaradaha ee jigjiga.
Waftigan oo si heer sare ah ay dawladu ugu sii diyaargarowday garoonka soo dhawayntooda uuna horkacayay ku-simaha xafiiska qurba-joogta jijiga mudane Cabdi Maxamed Gamaadiid,waftiga qurbajoogta ayaa waxaa ka mid ahaa abwaanka caanka ah boqorka codka mudane Maxamed Saleebaan Tubeec.
Waxaa Salaan Wadaniyadeed Ay Isku Dhaafsadeen Garoonka Wasiiro,Masuuliyiin kale,Colonel Maxamed Maxamuud C/laahi(Qayo), Wakiilka Xafiiska Qurba-joogta Addis-ababa Mudane Cabdi Khaliif (Dhoombe)

,Gudoomiyaha Jaaliyadda Denmark Mudane Dhuux Cabdi Cumar,Iyo Fanaaniita DDS Oo Halkaa Cabaar iyaguna Ugu Soo Bandhigay Ciyaaro Dhaqameed Ay Ka Mid ahaayeen Dhaantooyinkii Asalka U Ahaa Deegaankeena,Ciyaarta Jaariile ee Laga Ciyaaro Shabeelooyinka Iyo Waliba Kabeebay.
Ka Dib Ayaa Waftiga Loo Soo Galbiyay Guriga Martida DDS oo loogu sii talo-galay,halkaasoo ay sii ambaqadeen kooxihii fanaaniintu sii wadida ciyaar-dhaqameedyadii iyadoona dhamaan masuuliyiointii dds oo raxan-raxan u socdaa ay salaan-muxubo ku dheehan tahay isdhaaf-sanayeen Boqorka Codka Maxamed Saleebaan Tubeec Iyo Waftigii Kale ee La Socdayba.

ABwaan Maxamed saleebaan oo ay hafiyeen soo dhawaynta xad-dhaafka ah ee lagu soo dhaweeyay Addis-ababa ilaa jigjiga ayaa si jibaysan uga qaaday.
walaalnimaduba ku dheehan Tahay ee Ay Dawlada DDS Iyo Shacabkuba U soo Dhaweeyeen.
Abwaan Maxamed Saleebaan Ayaa Yidhi wax Aan La Hadhi doono ma jiro waa Habeenkii Xalay ahaa oo Tagay,waan ku khatimi doonaa jigjiga.
abwaanka ayaa carabaabay inuusan filayn in ay jirto Horumarkan Balaadhan Ee Ka Muuqda Jigjiga isagoona Yidhi Waxaan Jiriricooday Markay indhahaygu Ku Dhaceen Xiligaan garoonka Ka Soo Socday Arday Raxan-Raxan U Socota Xidhana Uniform Kala Duduwan oo Dhex-mushaaxaya Wadooyinka Magaalada.
Waftigan qurba-joogta ee Maanta Ka Yimid Addis-ababa Kana Soo Dagay Garoonka Diyaaradaha Jigjiga Ayaa Qayb Ka Ahaa Waftigii Shalay Yimid Magaalada Jigjiga Ee Soo Maray Dhulka.

0 comments:

Post a Comment