Tuesday, December 21, 2010

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Sheegay In Aanay Xiligan Haboonayn In Wax Ka Badal Lagu Sameeyo Xeerka Hoosaadka Golaha Wakiialda

Hargeysa (BCT)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inaanay xiligan ugu muuqan in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka Golaha Wakiilada si loo yareeyo tirada Mudaneyaasha ridi kara shirgudoonka.

Madaxweyne Ku Xigeenka oo maanta saxaafada kula hadlayay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa wuxuu ka hadlay khilaafka ba’an ee kala qeybiyay Mudaneyaasha Wakiilada ee ka dhashay Mooshinkii la buriyay ee wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha waxaanu yidhi “Anaga (xukuumadda) mar walba waxa dareenkayagu ahaa inaan  golahaasi qaran hawlihiisa dhex gelin oo wixii ay  xaq u leeyihiin ay iyagu wataan. Mar kasta waa la isku xidhan yahay waxay ahayd uun  aan meel isla dhigno mushahar kordhinta oo  wixii aynu qaadi karno aynu isla eegno ayay ahayd, arrintaasi  tallo badan markii aanu yeelanay meel baanu wax ku dhamaynay.ayay walaalahay (Wakiilada) wakhti aan loo baahnayn ayay haddana iyagoo xaq u leh wax ka bedelka xeer hoosaadka ay keeneen mooshinkan wakhti runtii adag oo laga soo gudbay laba marxaladood oo adag.”

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ka hadlayay khasaaraha ka iman kara haddii la yareeyo tirade mudaneyaasha ridi kara shirgudoonka wuxuu yidhi “Dawladaha Hoose ayaa wax ku ridi jiray hal dheeri dhibaataddii ka dhacay way ogaayeen shacbigu waxa dhacay is bedel badan waxa arrintaasi ka dhashay in labadii biloodba maayar yimaado. Waxay xukuumaddii soo jeedisay barigaasi si dalku u xasilo in la gaadhsiiyo sadex dalooloow laba.Golahan Wakiilada ee imika hawshan wadaa iyagaa ka dhigay sadex dalooloow laba iyadoo aanay ahayn in cid lagu ilaalinayay . duminta ha’ayad qaran waa inaanay dumin Karin afar qof oo shirtaa waa in la adkeeyaa. Anagu haddii aanu Hoggaankii dalka nahay waxaanu qabnaa inaan tirada lagu ridi karo shirgudoonka aan laga yarayn sadex dalooloow laba dalool, si aanu golihii uga dhex abuurmin buuq iyo is qabqabsi. Mudaneyaal badan ayaa arrintaasi nala qaatay oo odayayntiina way noo socotaa.”

“Markii dhawaan Madaxweynuhu ku maqnaa dibadda waan dhex galay oo odayayn ayaan ka dhex bilaabay, odayayntiina wali way noo socotaa oo kamaanu hadhin,”ayuu yidhi Md. Saylici.

0 comments:

Post a Comment