Monday, December 20, 2010

Gudidii Beesha Qorilugud u saxeexay heshiiskii Maygaagle oo digniin jeediyay

Sunday, 19 December 2010
“Waxaanu maqlaynaa nux-nux nooga imanaysa Hargeysa, waxaananu ka shakisanahay in Xukuumaddu…” Qorilugud, 19 December 2010 (Ogaal)- Guddigii Degaanka degmada Qorilugud, ayaa shaaca ka qaaday inaanay aqbalayn wax ka baxsan go’aankii laga soo saaray shirkii nabadeed ee Maygaagle, kaasoo lagu heshiisiinayay laba beelood oo halkaa shaqaaqo khasaare nafeed iyo dhaawacyaba horseeday ku dhexmartay.
Guddoomiyaha guddiggaas Maxamed Xirsi Aadan, ayaa sheegay inay jiraan wax uu ku tilmaamay nux-nux hoose oo ay ka shaki qabaan inay xukuumadu wax kaga bedelayso qoddobada heshiiskii Maygaagle, ka dib markii ay beesha Buuhoodle qaadan waayeen. “Adeer waxaanu maqlaynaa nux-nux nooga imanaysa dhinaca Hargeysa, waxaananu ka shakisanahay inay xukuumaddu wax ka bedelayso heshiiskii, mana bedeli karaan,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Beesha Qorilugud uga qaybgalay shirkii Maygaagle ee saxeexay heshiiskii labada dhinac lagu dhexdhexaadiyay, isla markaana shalay la soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal.
Mr Maxamed Xirsi oo ku hadlayay afka guddiga uu guddoomiyaha u yahay, waxa uu akhriyay qoraal kooban oo guddidiisu soo saartay, kuwaasoo adkaysanaya inaan waxba laga bedelin go’aamadii hore laysula meel-dhigay, waxaana qoraalkooddaas uu u dhignaa sidan: “Go’aankii Maygaagle ee Shareecada, waanu qaadanay, nabadgelyadiina waanu qaadanay. Wax ka sokeeya Go’aankii Maygaagle ama naloola imanayaana ma jiraan. Waxaanu nahay dad Islaam ah, shareecada islaamka ku dhashay, kuna dhaqma. Wax ka sokeeya Shareecada iyo Kitaabka Illaahayna ma jiro, cid aanu ka yeelaynaana ma jirto.”
Magacyada Guddiga Beesha Qorilugud heshiiska u saxeexay, isla markaana si wada jir ah u soo saaray baaqoodani waxay kala yihiin:
1-Maxamed Xirsi Aadan – Guddoomiye
2-Aadan Maxamed Yuusuf
3-Axmed Xandulle Muuse
4-Cabdillaahi Axmed Ismaaciil
5-Haybe Cali Maxamed
6-Cali Yuusuf Gurey
7-Faysal Cali Faarax.

0 comments:

Post a Comment