Wednesday, December 22, 2010

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo maanta kormeer ku tagayn Mid Ka Mida Wasaarada Dawlada

Hargeysa(BCT)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta  kormeer ku tagayn xarunta wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta ee magaalda Hargeysa.

Waxa Madaxweyne ku xigeenka markii uu gaadhay Xarunta   wasaarada oo wakhtigaas ku sugnaa Wasiirka Wasaaradaasi  Md Cabdrisaaq Maxamed Ibraahim iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaas Md Xasan Cumar Hoorri, waxaanu Md Saylici soo kormeeray qaybaha kala duwan ee ay wasaaradu ka kooban tahay, iyada oo ay halkaasa warbixin la xidhiidha habsami u socodka shaqo ee ay qaranka u hayso wasaaradu ku siiyey Madaxweyne ku xigeenka masuuliyiinta wasaarada oo uu u horeeyo wasiirku.

Madaxweyne ku xigeenka, ayaa isagu ku bogaadiyey masuuliyiinta wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland muddadii yarayd ee ay xilka hayeen waxqabad ballaadhan oo ay ku tallaabsatay wasaaradu.

Md Saylici waxaa uu sheegay in wasaaradani qiimo weyn qaranka Somaliland ugu fadhido, sidaas daraadeedna ay xukuumadiisu taageero wax ku ool ah ay ku badhi taageeri doono si hawlaha qaranka halkaas ugu sii labanlaabto.

Waxa isna hadal kooban ka jeediyey halkaas, Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Md Cabdrisaaq Maxamed Ibraahim, waxaanu uga mahadceliyey madaxweyne ku xigeenka kormeerka uu ku soo gaadhay wasaaradiisa, waxaanu sheegay wasiirku in uu dhawaan suuro galin doono barnaamij wada-hadal oo dadweynaha reer Somaliland ku wada hadli doonaan shirkadaha isgaadhsiinta oo dhan oo ay isku si uwici doonaan.

Waa markii ugu Horaysay ee Madxweyn ku xigeenku uu kormeer noocan oo klae ah ku soo maro mid ka mida Wasaaradaha Dawlada.

0 comments:

Post a Comment