Sunday, December 12, 2010

Nuxurka Kulan Caawa Dhexmaray Jaaliyada Ku dhaqan Dalka Norway iyo Gudomiyaha Hayada Qurbajoogta Somaliland Md Suleiman

NORWEY(BCT)-Kulan lagu soo dhawaynayey gudoomiyaha Hayada Qurbajoogta Mudane Suleimaan Mohamed Farah oo dhawaanahayn safar shaqo ku maraayey dalalka qaarada Yurub ugu dambayntina ku soo qatimay Dalkan Norway, ayaa caawa ka dhacay magaalada Oslo . Kulankan oo ay ka soo qayb galeen qaybaka kaal duwan ee bulshada Somaliland ee ku dhaqayn Magaalada Oslo ayaa waxaa ugu horayn aayado quraan ah ku furay


Cabdilaahi Baaruud Cige,intaasi kadib ayaa shirka waxaa furay Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Dalkan Norway Md Rashiid Muuse Ismaacil isaga ka dhawaajiyey in ay ka xunyihiin xiligan uu ku soo beegmay oo ah xili gudida jaaliyadu cusub yihiin sidoo kale aanay xafiis iyo waxba toona u furnayn sababo ah iyaga oo mudo aan fogayn xilka loo magacaabay taas oo jaliyaduna ay xidhnayd in mudo oo markii hore ay ka asruti jirtay kulamda noocan oo kale ah. Intaasi kadib waxaa isna lagu soo dhaweeyey Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Norway Mudane Mohamed Mohamoud Adan waxaanuu soo dhaweeyey Suleebaan sidoo kale waxa uu sheegay hayada Suleiman madaxda u yahay ay tahay Hayada Diaspora da taas oo gudoomiyaheedii caawa ay farxad inoo tahay in uu inalafadhiya isaga oo ina matalaaya sidoo kale waxaan idin sheegayaa marka Somaliland la xisaabtamaayo in Jaaliyada Somaliland ee Norway degani ay meel sare kaga jirto oo ay magac dheer ku leedahay Somaliland , waxaana keenay ilaa xiligi halgankii aynu jirnay firfircoonidii aynu la mid iyo doorkii aynu ka qaadanay ayaa keentay in meel sare aynu ka galno Somaliland oo la inoo ciseeyo, sidoo kale waa dadlka kaliya ee dadkiisu meel isug iman karaan ,sida dalal Yurub ka mid ah oo is barbaryaacu ka lumiyey hashii ay qaban lahaayeen halka reer Norway ay isku duubnidu keenayso in wax badan la qaban karo. Sidoo kale Gudoomiyaha Hayada Qurbajoogta Somaliland Md Suleiman Mohamed Farah ayaa ka hadlay safarkiisan iyo hawlaha uu u socoday taas oo uu sheegay in caawa kulankeena aan doonayo in u noqdo kulan xogwarayso taas oo aan idiinka warami doono wakaaladan iyo ujeeda loo abooray, waxa ay qaban doonto iyo waliba cida ay matalayso, waxaanuu sheegay in hawsha uu u socday ay tahay sidii aan isu xog waraysan lahayn iyo sidii aan idiinka heli lahaa xogo kala duwan maadam oo uu yahay qurbajooga kaliya ee qayb laxaad leh ka hawta hawla dalka , sidoo kale wakaaladani waxa uu ka dhawaajiyey in ay u taagan tahay sidoo looga faaidaysan lahaa aqoonta ku duugan dadka qurbaha jooga , iyo waliba midaynta iyo adkaynta dadka xidhiidhak qurbajoogta, Md Suleiman ayaa waxa uu sheegay in dhamaan wadamadi uu soo maray uu soo sameeyey wakiilo dalkan Norwayna uu uga baahan yahay Wakiil lagala soo xidhiidho marka wax looga baahdo jaaliyada ku dhaqan dalka waxaanuu arintaas sheegay in ay tahay arin u taala dalka Norway. Kadiba markii uu dhamaystay Gudoomiye Suleiman ayaa waxaa bilaabmay Suaalihii la waydiinaayey iyo ka jawaabidoodii ,iyo waliba hadalo dhaaliilo ah oo loo soo jeediyey dawlada iyo mid wax sheeg ah oo qaarka ku socdeen hayadiisa qaarna ay ahayd fariin loogu dhiibayey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siiraanyo,







0 comments:

Post a Comment