Thursday, December 9, 2010

Maxkamada Magaalada Gothenborg Ee Dalka Sweden Ayaa Maanta Afar Sanadood oo Xadhiga Ku Xukuntay Laba Wiil oo Soomaali Ah oo Lagu Eedeeyey Inay Ka Tirsan Yihiin Al-Shabaab

SWEDEN(BCT)- Maxkamada magaalada caasimada labaad ee Gothenborg ee dalka sweden ayaa maanta ku xukuntay laba wiil oo Soomaali ah midkiiba afar sanadood oo xadhig ah, Labadan wiil oo midna 23 jir yahay ka kallena 26 jir ayaa haysta dhalashada dalka Sweden iyagoo ah dad asal ahaan kaso jeeda dalka Somaliya,



Labadan wiil oo la qabtay dhowr bilood ka hor ayaa lagu soo Eedeeyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ee dagaalada ka wada dalka Somaliya isla markaana ay doonayeen inay qaraxyo ka fuliyaan gudaha dalka Sweden, Qareenka dacwada kusoo oogey labadaa wiil ayaa ku dooday inay doonayeen inay qaraxyo ka fuliyaan dalka Sweden isla markaana ay dhibaato iyo burbur u geystaan dadka iyo dalka Sweden,


Maxkamada dalka Sweden oo markii ugu horeysay taariikhda xukuntay arin ama xukun noocan oo kalle ah ayaa labadaa wiil maxkamadoodu ay socotay mudo laba isbuuc ah iyadoo ay albaabadu u xidhnaayeen, Labadaa wiil ayaa mid kamida oo ah ka 26 jirka ah uu diiday arintaa lagu soo Eedeeyey isagoo sheegay in aanuu ka tirsanayn kooxda Al-Shabaab, Laakiin maxkamada aya sheegtay in wiilka 23 jirka ah uu qirtay inuu tababar kusoo qaatay xerro kamida kuwa lagu tababaro ciidamada Al-Shabaab ee ku yaalla dalka Soomaaliya laakiin uu kasoo baxsaday,




Agnetha Hilding Qvarnström oo ah gudoomiyaha maxkamada ayaa sheegtay in xukunkoodu uu intaa kasii badnaan lahaa laakiin qadiyadaha noocan oo kalle ah ay adag tahay in dalliil cad loo hello iyadoo labadaa wiil ay xukunkaa iyo Eedaa loosoo jeediyey ay si adag uga soo hor jeesteen, Maxkamadan ayaa dhacday iyadoo dad badan oo Soomaali ah ay aad arintaa uga wer wersan yihiin iyagoo eegayey halka ay ku danbeyso





Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment