Monday, December 13, 2010

Jabuuti: Shabakadda Oodweynenews.com Oo Maanta Shahaado-sharaf U Gudbisay Madaxweynaha Jabuuti

Hargeysa (BCT)- Shabakadda caalamiga ah ee Oodweynenews.com waxa ay maanta shahaado sharaf u gudbisay Madaxweynaha Jabhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo dadaal wax-ku-ool ah ku bixiyey horumarka afka soomaaliga iyo hal-abuurkaba.

War-murtiyeed arrintaa ku saabsan oo ka soo baxay xafiiska maamulka ee Oodweynenews.com, ayaa sidan u dhigan:-

“Shabakadda caalamiga ah ee Oodweynenews.com maadaama oo ay qayb ka tahay uruurinta suugaanta iyo kobcinta afka soomaaliga, waxaa sharaf u ah inay maanta madaxweynaha Jamhuuriyada Md. Ismaaciil Cumar Geelle ay u gudbisay shahaado sharaf ka turjumaysa wax-qabadka wax-ku-ool ah ee uu ka gaystay tayaynta, horumarinta iyo u hiilinta suugaanta iyo suugaanlayda, qooraalka iyo afka soomaaliga.

Waana shahaadadii ugu horaysay ee nooceeda ah ee uu guddoonsiiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar website wax ku qora afka soomaaliga intii uu madaxweynaha ahaa.

Shahaadadan waxaa madaxweynaha u gudbiyey C/shakuur Heersare oo ka mid ah masuuliyiinta Oodweynenews.com, ilsa markaa muddooyinkan hawlo shaqo u joogay magaalada Jabuuti.

Nuxurka qoraalka shahaadada ku qorani waa; ‘Shabakada caalamiga ah ee Www.oodweynenews.com waxa ay shahaado sharaftan guddoonsiinaysaa madaxweynaha Djabouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dadaal isugu jira maal, muruq iyo maskaxba ku bixiyey qiime-u-yeelista iyo weelaynta suugaanta iyo afka soomaaliga.”

1 comments:

Anonymous said...

niinka cumar guellee oo waliba folxumo badan oo idi amin dada sifican ugu eeg..oo aqonsiigii isagaa iyo saxibkii sheik sharif..iyo saxibkii meles zenaui oo somaliland cakta hoosteday ay gud dhigeen..oo waliba gellee uu yidhii somaliland calimkii aya dabarka uu sii jediiyeye kolka somaliland samir allee ha qa'adatoo. aqonsid wax la yidahdoo calimkii wey kugu neceen..kolka calimkuu wax hadu diidoo wa samir qadoo... kolka cumar guellee wa niin runtii ethiopianha'ah oo laba wajillee...idinkuna kolna 2 libax kolna certificate wu baxdilla dadka is'hosdiga...aqonsiga somaliland waxa gacantaa kuhaya ethiopia/somalia/iyo jabutti...kolba gal cad od hargeyssa keentaan wahba somaliland uma ayo...ninka cad bush wuhu kudawaqay 2007 umba recordka ugu jirta kolka danka african union oo siba ethiopia uu wecda sabab ethiopia wa super power of east africa kolkaansee runtaa uu sonoqonoo wax somaliland iyo somalia raba majiirtoo...ethiopia wa maskaxda east africa iyadana run ahantii somalia iyo somaliland labaduba amar bay kaqataan ayan daroo...ethiopia runtii situationka somalia iyo somaliland aad bay ugu faraxsantahay oo somalis horowmar gaadaa dhimashoo ayey kaxigtaa wa bilahi towfiq

Post a Comment