Friday, December 10, 2010

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Faahfaahin ka Bixiyey Diyaarad Saanad Milatari U Siday Maamulka Puntland Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa

Hargeysa(BCT)- Wasiirada Wasaarada Arimha Gudaha, Warfaafinta,Duulista iyo Hawda ayaa Shir Jaraa’id oo ay galabta ku qabteen Xarunta Wasaarada Arimha Gudaha waxa ay ku sheegeen  in  Diyaarad nooceedu Yahay (Antinon 24) oo ka soo dagatay Madaarka Cigaal Internainal Arioprt ee magaalda  Hargeysa in lagu helay qalabka ay Ciidmadu isticimaalaan, kaas oo u socaday Maamulka Punland.

 Shirkan jaraa’id ee ay galabta sida wada jirka ah ku qabteen Wasiirka Daakhiliga Dr.Maxmed Cabdi Gaboose, Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire), Wasiirka Duulista iyo Hawada Md.Maxamuud Xaashi Madar, ayaa waxa ugu horayn ka hadalay Wasiirka Arimha Gudaha waxana Hadaladiisii ka mid ahaa “ diyaarad weyn oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa  maanta Madaarka ka dalbatay in ay soo dagto, waxanay sheegatay Cudurdaar caadi ah oo ahaa shidaalkii ayaa naga go’ay oo waxaanu baahanahay shidaal,  in shidaal la siiyo waxay waafaqasantahay Qawaaniinta Caalimiga ah, intaas ka dib waxa la baaday Diyaaradii waxana la ogaaday in ay siday Qalabka Ciidamadu isticimaalaan, waxana ay diyaardaasi ka timid wadanka South Africa  iyada oo soo martay Wadanka Uganda, waxa ay diyaaradaasi u socotay Puntland, waxana waday Lix nin oo ruusha ah iyo Laba South African ah, waxa dhamaan Nimankaas waxaanu  ku dajinay Hotel Abasator, waxana noo socota baadhis, wixii ka soo baxana waanu idinla socdo siin doonaa”

 

Waxa kale oo uu Dr.Gaboose intaas ku daray “Waxa jirtay  istiraajitiyadii ay samaysay Wasaarada Arimha Gudaha oo ahayd in aan amaanka Wasaarada Arimha Gudaha oo kaliya lagu halayn, balse ay Dhamaan Wasaarada iyo hay’adaha Dawladu ka wada qayb qaataan sugida iyo Ilaalinta amaanka Dalka, waxa kale oo amaan mudan Wasiirka Duulista iyo Shaqaalha Madaarka Magaalda Hargeysa” sidaana waxa yidhi qabteen Wasiirka Daakhiliga Dr.Maxmed Cabdi Gaboos.

 

Waxa kale oo shirkaasi jaraa’id ka hadalay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire) waxana hadaladiisii ka mid aha “ Arintani waa taanu baryahanba ka cabanaynay, ilaa markii uu Madaxweynuhu safarka ku maqnaa ilaa imika, aniga oo aan ka hordhacayn baadhista , waxa aanu qabnaa in ay arintani marag u tahay wixii aanu ka hadlaynay, ee aanu caalanka u sheeganay arinkaa soo ay Punland waday, Maraykankuna waa kii cambaareeyey, Caalamkuna waxa uu is weydiinayey Cida waxan wada, cida waxa wadana way cadaan doontaa, Waraka Soo baxaya Ugandha waxbaa lagu tilmaamayaa, wadan carbeedna waa la tilmaamyaa  waxa kale oo la sheegayaa Shirkad gaar loo leeyehay oo South African ah taas oo isku sheegtay ku amaanka ka shaqeeya ,dadkuna Calooshood u shaqaystayaash u yaqaanaan, wanaan ayaan soo ban dhigidoonaa Qoraalo arintaas ku saabsan, marka aanu baadhista dhamayno, arimha Caynkaasi ahi Somaliland Xusuus gaar ah ayey ku leeyihiin waxa ay  ku soo kiciyaan kacdoon, waxana ay na xasuusisaa wakhtigiii halganka aan ku jirnay, waxa ka mida Dawlada Carbeed oo diyaaradhii ay Somalila u iibisay oo kuwa dagaalka ah kuwaas oo ay wadaan South African oo dabadeed Hargeysa lagu garaacay, oo dad shacab kan ka mid ahaa lagu laayey, tana taas oo kale ayey na xcasuusinaysaa, Dalad Carbeed oo kharashka bixisa, South Aficaan Hubka sida waa wax hore noo soo maray, waana arin aanaan ka nasanay ilaa aanu ogaano, waa arin aanu umada Somaliland  leenahay haday mar hore ina soo martay , mar labaad maya” sidaan waxa yidhi Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire)

 

 

Alaabka hore ee madaarka Cigaal Internainal Arioprt ee magaalda  Hargeysa
Muuqaalka Qaaar ka mida Wariyayaasha Oo Laga Hor Istaagay In ay galaan Cigaal Internainal Arioprt ee magaalda  Hargeysa

0 comments:

Post a Comment