Sunday, December 19, 2010

Ingiriiska Oo La Wareersan Baraf Ka Da’aaya Iyo Sadaasha Hawada Oo La Filaayo Baraf Kale

London(BCT)-Waxa saaka lagu soo toosay baraf aad u badan oo qariyey dhamaan wadooyinkii iyo isusocdka  dhamaan wadooyinka waaweyn oo ku yaala dalkan Ingiriiska,waxa ay u ahayd dadka badankooda barafkii da’aayey wax aanay hore u arag.

Waxa la hakiyey dhamaan garoomaha diyaaradaha waaweyn ee ku yaala magaaladan London iyo qaar kale oo dibadaha ku yaala. Dadka Soomaalida ah ee degan dalkan Ingiriiska waxa ka fajacisay barafkan aad ka u da’aaya iyo war-warka ay ka qabaan in mid kan ka badani uu da’aayo,inkastoo qaar badan oo Soomaalida ka mid ahi ay ka yimaadeen dalal Yurub ku yaala oo ay arkeen barafkan ka badan oo aanu wax layaaba ku hayn lakiin dadka kale ee dalkan inta badan deganaa may arag baraf kan la mid ah , qar kale waxa ay ii sheegeen in dalkan uu ka da’ay baraf aad u badan wakhtigii sideetameeyadii oo uu in yar uun ka badnaa kan manta da’aayey.

Dalkan Ingiriiska dhibaatada ugu weyni waxa weyaan iyagoon haysan qalab ay barafka ku xaadhaan iyo tabaabushe la’aanta aanay kuba tala galin in baraf sida u badani imanaayo.Dadka ka faalooda cimilada waxa ay saadaaliyeen in maalmaha inagu soo aadan iyo weegaga inagu soo aadanba inuu da’i doono  tasoo keentay war war kale.

Dadka Somalida ah waxa looga digayaa inay ka taxadiraan marka ay ku soconayaan barafka oo weliba ay xidhaan kaabaha loogu talo galay ee lagu socdo barafka marka ay soconayaana, ayna ku ordin una socdaan iyaga oo gaabinaaya ama aayar u soconaaya.

0 comments:

Post a Comment