Wednesday, December 8, 2010

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Oo Maanta ka Qayb Galay Maalinta Ole-oleha Qashin Ururinta

Hargeysa(BCT)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta ka Qayb Galay Maalinta Ole-oleha Nadaafadeed ee Heer Qaran taas oo loo asteeyey in 45kiii maamoodba mar in dalka oo dhan laga hir galiyo Ole-Ole Nadaafadeed.

Ole-Ole Nadaafadeed Oo ahaa Waregii Sadexaad ayaa maanta aan loogu soo bixin sidii wakhtiyadii hore Loogu soo bixi jiray, iyada oo saaka ay Bulshada   ku dhaqan  Magaalada Hargeysa ku Kooban  oo aan badnay Ugu soo baxeen  Ole-Oleha, waxana kala  ka qayb qaatay Ole-Olehan Nadaafadeed Madaxweynhe Ku Xigeenka ahna Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici)oo Sidii kalena Bulshada Ugu Baaqay in aanay Dawlada ku diqiyin in ay Amar kaga dhigto in ay Bulshada Xashiishka Iska Guraan.

 

Madxweyne KU Xigeenka ayaa Kormeer  ku soo maray goobha ay ka socotay haysha Ole-Olaha waxa Madxweyne Ku Xigeenka kormeerkiisaas ku wehelinayey Taliyha Guud Ee Ciidanka Asluubta Somailand Ge.Maxmed Xuseen Faarax(Xiirane).

 

Ka dib markii uu soo dhamaaday Kormeerka Madxweyne Ku Xigeenku ayaa uu shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Qasriga Madxtooyada kaas oo uu kaga hadlay Maalinta Ole-oleha Nadaafadeed ee Heer Qaran,  waxa Madweyne ku Xigeenka Shirkaas Jaraaid ku wahelinayey Wasiirada Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Iyo Duqa Caasimada Xuseen Maxmuud Xaciir.

 

 

Madaxweyne KU Xigeenka ayaa waxa uu shrikiisaas Jaraa’id ku sheegay “ waxaan hambay u dirayaa dhamaan shacbiga Reer Somaliland eek u Sugan Gobolada iyo Dagmooyinka dalka Guud ahaa waxa kale oo aan Aad ugu hamnay yey nayaa Madxda Iyo Masuulyiinta Qaranka sida wanaaagsan ee ay uga qayb qaateen Ole-olahan waxaana leeyhay waxaad Gudateen waajibkiinii waanad ku mahad santihiin”

 

Waxa  kale oo uu Madxweyne Ku Xigeenka Somaliland buldha weynta reer Soamliland ugu baaqay in ay isk xilqaamaan sidii ay iskaga basrin lahaayeen Qashinka iyo waxa aleele wixii nafaada darro iyo xanaano hor seedi kara.

0 comments:

Post a Comment