Sunday, December 19, 2010

Wasiirka Arimaha Dibada Oo Shaaca Ka Qaaday In Xukuumadda Somaliland Sadex Qodob Ka Dalbatay Urur Goboleedka IGAD

Hargaysa (BCT)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay saddex qodob oo muhiim ah ka dalbatay urur goboleedka IGAD. Kadib markii todobaadkii hore uu dalka booqasho rasmi ah ku yimi xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Mudane Maxbuub Macalin,iyo wefti u u hogaaminayay oo 4 xubnood ka koobnaa.

Wasiirku oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay Shabakada Somaliland.org waxa uu sheegay in booqashadii xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD ku yimi Somaliland ay fursad wanaagsan u ahayd siyaasadda dibada ee Somaliland, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan uga mahad celinaynaa weftigii Maxbuub Macalin Xoghayaga fulinta urur goboleedka IGAD booqashaddii rasmiga ahayd ee muddada saddexda cisho ah uu ku joogay Somaliland oo uu dersay hanaanka dimuquraadiyadda, dawladnimada iyo horumarka Somaliland ka gaadhay dhinacyada adeegyada bulshada. Weftiga Xoghayuhu waxa uu ahmiyad wayn ugu fadhiyaa Somaliland, waxaanu warbixin la xidhiidha Somaliland u gudbin doonaa todobada dal ee ku bahoobay ururka IGAD.”

Mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu sheegay in weftigii xoghayaha fulinta IGAD uu booqday magaalada Sheekh, halkaas oo uu soo kormeeray Machad goboleedka culuumta caafimaadka xoolaha, halkaas oo uu urur goboleedka IGAD la wareegi doono dhaqaalaha iyo maamulka Machadkaasi oo ay wax ku bartaan ardayda ka socda wadamo ku yaala mandaqada geeska Africa.

Wasiirka oo aanu waydiinay waxyaabaha ugu wayn ee Somaliland ka dalbatay urur Goboleedka IGAD waxa uu yidhi “Waxyaabaha aanu ka dalbanay weftigan ee aanu doonayno in urur goboleedka IGAD wax kala qabto Somaliland, waxa ugu muhiimsan saddex qodob oo kala ah;

  1. In urur goboleedka IGAD ay ku soo casuumaan Somaliland shirarka todobada dal ee ku bahoobay ururkaas, si aanu shirarkooda uga muujinno fikirka Somaliland ee la xidhiidha dhinacyada nabad gelyada, dimuquraadiyadda iyo dhinacyada horumarinta iyo iskaashiga wadamada Mandaqadda.

  2. In dalalka iyo urur goboleedka IGAD ay Somaliland ka taageeraan sidii ay noqon lahayd dal siddeedaad oo xubin ka ah ururkan, isla markaana ay xubin buuxda uga noqon lahayd qaramadda Midoobay iyo Midawga Africa.

  3. In mashaariicda iyo mucaawinooyinka ay dalalkaasi helaan in qayb laga siiyo Somaliland.”

 

Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay sii wadayso siina xoojinayso iskaashiga ay la leedahay dalalka jaarka ah ee ku jira Urur goboleedka IGAD.

0 comments:

Post a Comment