Sunday, December 19, 2010

Dhacdooyinka Burcotoday: Nin Sucuudi Ah oo Isku Gubay Guriga Reerka Xaaskiisa Hortiisa Si uu Xaaskiisa Ugu Muujiyo Jacaylka uu u Hayo Kadib Markii Ay Diiday Inay Gabadhaasi Kusoo Noqoto Gurigiisa oo Ay Ka Tagtay

RIYAAD(BCT)- Shabakada Caalamiga ah ee Oodweynenews oo Mar walba jecel inay idiin soo gudbiso Dhacdooyinka ka dhaca Caalamka kuwooda ugu Xiisaha iyo layaabka badan si aad wax ugala socotaan waxa caalamka inagu xeeran ka dhacaya, Hadaba maanta waxaan idiin haynaa Nin u Dhashay dalka Sucuudiga oo Isagoo doonaya inuu xaaskiisa tuso Jacaylka uu u qabo isu gubay iyadoo gabadhaasi diidaneyd inay kusoo noqoto ninkeeda oo ay markaa is qabteen,



Jariirada AL YOOM ee kasoo baxda dalka Sucuudiga oo arintaa ka sheekeynaysa ayaa sheegtay arintan ay ka dhacday magaalada JEEZAN ee koonfurta dalka Sucuudiga, Gabadha uu ninkaasi qabay ayaa ka tagtay guriga ninkeeda iyadoo tagtay guriga Reerkooda, Ninkaa ayaa isku deyey inuu gabadhaa ku qanciyo inay gurigeeda kusoo noqoto isla markaana ay iska illowdo cadhadii, Laakiin ninkaa ayaa ku guuleysan waayey inuu gabadhaa ku qanciyo inuu kusoo celiyo gurigeedii,

Ninkan oo gabadhaa u sheegay inuu jecel yahay isla markaana aanuu ka maarmi karin laakiin gabadhaa ayaa hadalkaa oo dhan dhegeha ka fureysatay, Ninka gabadhaa qabay oo jariiradu aanay magaciisa sheegin ayaa soo qaatay maado kiimikal ah oo lagu magacaabo Kerosene oo wax gubta isagoo dharkiisii ku Rusheeyey guriga gabadhaa Reerkooda hortiisa, Ninkaa ayaa gabadhaa u sheegay inuu aad u jecel yahay hadii ay diidana uu is gubbi doono laakiin qalbi adayg badan oo gabadhaa ku jiray ayaa keenay inay diiday hadalkiisii ugu danbeeyey,



Ninkaa ayaa isku qabtay dab isagoo hor taagan guriga Sodogii & Sododdii oo xaaskiisuna markaa ku sugnayd, Isagoo doonaya inuu is dillo mar hadii ay xaaskiisii diiday inay kusoo noqoto & Walliba inuu u tuso gabadhaa inuu jecel yahay iyada la,aanteedna uu ka xiggo inuu dhinto, Dadka Jiiraanka la ahaa Reerkaa ayaa ninkaa kusoo kadib markii ay maqleen qeyladiisii markii uu xanuusaday dabkii awgii,


Ninkaa aya dhakhtarka loolla Cararay iyadoo Booliska lagu wargeliyey inuu ninkaasi doonayey inuu is dillo kadib markii Kun Jeer uu ku noq noqday xaaskiisa oo ay diiday inay gurigiisa oo ay ka tagtay ay kusoo noqoto, Ninkaa ayaa wargeysku Sheegay inuu iminka dhakhtarka yaallo oo lagu daweynayo,


Cabdalla Qarni oo ah mas,uul u hadlayey Boliska magaalada Jeezan ayaa u sheegay Jariirada In lagu soo wargeliyey in ninkaasi doonayey inuu is dillo isagoo doonaya inuu xaaskiisa u muujiyo jacaylka uu u qabo inta uu la,eg yahay kadib markii ay diiday inay kusoo noqoto, Ninkaa ayay boolisku sheegeen inuu yahay nin dhalinyaro ah oo ilaa sodon jir ah,







0 comments:

Post a Comment