Wednesday, December 15, 2010

Madaxweynadda Dalka Finland Ee Tarja Halonen Oo Kamid Noqotay Liiska Madaxda Aduunka Ugu Wax Qabadka Badan

HELSINKI(BCT)-Madaxweynadda dalka finland ee Tarja Halonen ayaa kamid noqotay listka madaxda aduunka ugu wax qabadka badan ee uu soo bandhigay wargeyska dowliga ee kasoo baxo dalka mareykanka (foreign policy).

Wargeyska ayaa soo daabacay magacyada 100 hogaamiye ee sanadkii 2010 ugu wax qabadka fiicnaa, Tarja Halonen ayaa gashay kaalinta 99, iyadoo lagu amaanay howsheeda ku aadan horumarinta doorka dumarka.

Kaalinta koowaad iyo tan labaad ayaa waxaa galay maalqabeenada caanka ah ee Bill Gates iyo Warren Buffet. Labadan biljaner ayaa aduun badan ubixiyay tabarucaad, iyagoo kula taliyay dhigooda iney sidaas oo kale sameeyaan.

0 comments:

Post a Comment