Wednesday, December 29, 2010

Booliska oo Dad Degdeg loo Xukumay ku daadiyey Taliska Asluubta iyo Askartii Mandheera u qaaday oo Gaadhigii la dhacay

Isqabsigii Ciidamada Booliska iyo Asluubta ayaa keenay in Dadkaa si aan haboonayn loo qaado

“Waxaanu u sheegaynaa kuwa caadaystay falalka xunxun in tacsiirta qaarkeed gaadhayso inay naftooda ku waayaan oo la dilo” Wasiirka diinta
Hargeysa  (Waaheen)-Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa shalay xukuno kala dudun ku riday 71-tuug iyo 12 dambiilayaal kale ah. Sidaana waxa shaaca ka qaaday  Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furreh oo ka hadlayey Fagaare lagu gubayey Khamrigaasi oo ka koobnaa 2566 litir oo ku jiray caagadaha jirikaanada loo yaqaan oo dalka la soo geliyey, waxaana goob joog ahaa madashaasi lagu burburiyey Khamriga Wasiirrada Diinta iyo Awqaafta iyo Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska.
Taliyaha ciidanka Bilayska Gen. Cilmi Rooble Furre (Kabaal) oo ka hadlayey hawlgallada ciidanku qaadeen iyo khamri hore oo ay burburiyeen, waxaannu yidhi “Waxa hortiina yaala 2566 iyo badh litir oo khamri ah oo geli lahaa caloosha dadka reer Hargeisa ubadkiinii iyo aayihiinana halkaas ayuu ku dhiman lahaa ubadkeenii, diinteenii, mujtamaceenii iyo asluubteenii, waxaan mahadnaq balaadhan u jeedinyaa wasiirka Awqaafta, wasiirka Arimaha Gudaha maxkamadaha siday ahayd u fuliyay imika ilaa saaka waxa la xukumay  71 Nin oo tuug ah iyo maxaabiis caadiya oo ku jiray Saldhigyada oo min laba sanadood lagu xukumay.”
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka hadlay waxyaabaha ay muddooyinkii ugu dambeeyay Ciidamada Boolisku soo qab-qabteen waxaanu yidhi “Waxa aad arkaysaa Khamri ay tiradiisu badan tahay kaas oo lagu gubayo halkan, runtii waxa lagu soo qab-qabtay hawlgalo ay ciidamadu ka fuliyeen caasimada, waxa kale oo jira in Gaadiidki siday khamrigan qaarkood ay jiidheen gidaaro, halkaasna uu khasaare laxaad lihi ka soo gaadhay, markaa waxa aan ku bogaadinayaa ciidamada booliska runtii hawsha balaadhan ee ay qarankan u hayaan. Waxa jirta in markii la kala diray guddidii nabadgalyada ee xukunka deg-deg ah ku ridi jirtay ay tuugtii istidhi meeshaba waxba ma jirraan isla markaana ay dafireen xukuumadii, waxa aan leeyahay waa laga hawli geli doonaa sidii loo qab-qaban lahaa tuugtaas.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in khamrigu uu ka mid yahay waxyaabaha ka mamnuucaha islaamka waxaanu yidhi “Waxa aad ka war haysaan in khamrigu uu yahay xaaraan, waayo haddii uu qofku cabo waxa dhici karta in uu xaaskiisii furo, ama uu nabadgalyo darro sameeyo, waxaanan ku amaanayaa runtii ciidamadeena amaanka oo aan hadh iyo habeen ka seexanin sidii ay bulshada uga dhex qaban lahaayeen wax kasta oo dhib ku keenaya. Waxaanu u sheegaynaa kuwa caadaystay in falalka xunxun in tacsiirta qaarkeed gaadhayso inay naftooda ku waayaan oo la dilo, waar hadhaw ha Odhanina la iima digin” Ayuu yidhi.
Maxaabiistaasi ay qabqabteen Boolisku ayey u Dhaadhiyeen xarunta taliska Asluubta oo ay ku yidhaahdeen meel geeya weydinkii lahaa Xabsiyaanu u haynaaye, kuwaasoo iyaguna u qaaday xabsiga Mandheera oo lagu hayn doono, waxaase la sheegay in gaadhi siday askar Asluubta ah oo ilaalinaysay maxaabiistaasi markii lagu sii waday Mandheera uu ku qalibmay duleedka Dacar-budhuq shilkaasi oo ay Dhawr gaadhi ku Dhaawacmeen.

0 comments:

Post a Comment