Tuesday, December 28, 2010

Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Oo Faafaahin Ka Bixisay Najiitada Imtixaan Ay Ka Qaadeen Qaar ka mida Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada

Hargeysa (Burcotoday)- Guddoomiyaha Ha’ayada shaqaalaha dawlada Somaliland Md. Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, ayaa maanta ka hadlay natiijadii ka soo baxday Imtixaan ay laba cisho ka hor ka qaadeen shaqaalaha  Wasaarada Maaliyada Somaliland.Guddoomiyaha oo maanta u waramayay saxaafaddu waxa uu ka hadlay natiijadii ka soo baxday imtixaankaasi oo ay saxayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaanu yidhi “Waxaanu ILAAHAY ugu mahad naqaynaa sida wanaagsan ee ay ku soo dhamaatay Imtixaankii aanu ka qaadnay shaqaalaha Wasaarada maaliyada Somaliland waxa imtixaanka galayay 222 shaqaale ah, waxa Imtixaanka u fadhiistay 191 shaqaale ah, waxa baasay 103, waxa dhacay 88 qof. Imtixaankaasi wuxuu ahaa mid xor iyo xalaal ah oo aanu aad iyo aad u ilaalinayay waxaanad ogaydeen inaanu shaqaalaha hortooda Wasiirka diinta iyo awqaaftu ku dhaariyay Guddidii Imtixaanka qaadaysay.”

Guddoomiyaha Ha’yada shaqaaluhu wuxuu bogaadiyay shaqaalaha imtixaanka ku guulaystay isaga oo arintaasi ka hadalayana waxa uu yidhi “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shaqaalaha imtixaanka ku guulaystay iyo madaxda Wasaarada Maaliyada oo ka badheedhay xaalada adag oo noqotay wasaaradii u horaysay ee Imtixaan gelisay shaqaalaheedii.”

Guddoomiyaha oo la weydiiyay su’aal la xidhiidhay waxa shaqaalaha darajooyinka A iyo B  imtaankooddii loogu soo qoray Luuqada Ingiriisida waxaanu yidhi “Imtixaankan waax walba shaqadii ay qabanayeen ayaanu imtixaanka kaga qaadnay, dhinaca luuqada ee aad I weydiisay waxa weeye  Group A waxa weeye shaqaale aqoontoodu heer jaamacadeed tahay, markaa waa khasab In imtixaankooda lagu soo daabaco Ingiriisi, Group B (qeybta labaadna) waxay noogu qiimaysan yihiin inay yihiin heer dugsi sare iyagana waa Ingiriisi waayo marka fasalka 8-aad laga gudbo waxa wax lagu bartaa Ingiriisi.”

Md. Muxumed Aw Cabdi oo la weydiiyay mustaqbalka shaqaalaha Imtixaanka dhacay wuxuu noqon doono waxaanu yidhi “Arrintaasi dawlada ayaa tallo ka yeelanaysa laakiin waxa weeye aqoontooda ayaa kor loo soo qaadayaa oo tababar ayaa la siinayaa.”

Guddoomiyaha Ha’ayada shaqaaluhu wuxuu sheegay in Imtixaanka laga qaaday Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada aanu ahand mid Wasaaradaasi ku kooban iska markaana  Wasaaradaha kalena laga qaadi doono.

0 comments:

Post a Comment