Wednesday, December 8, 2010

Raaf Xoogan Oo Xalay Ka Dhacay Xaafada Ay Soomaalidu Degto Ee Magaalada Nairobi

Nairobi (BCT)- Waxaa  habeenkii xalay uu ahaa habeen shanaadkii  ee xaafada Islii ee caasimada Nairobi howl galo ay ciidamada amaanka ee dalka Kenya ku ugaarsanayeen dadka aan sharciga haysan ee ku sugan caasimada Nairobi.

Waxaa Xaafadan Islii ka socda Raafka oo la sheegay in  xalay xoogiisa uu ka dhacayay qaybta Section 3 ee isla xaafadaas taas oo aan horay looga baran in ciidamada amaanka ay Soomaalida ku  qab qabtaan, ugu yaraan Afar qof ayay ciidamada amaanka ee dalka Kenya xalay ku qab qabteen howl galkooda waxaana ay dadkaasi u dhaadhacsiiyeen xabsiyada ku yaala Nairobi ee dalka Kenya .

Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ah  Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi ayaa saxaafada u sheegay inay ku guulaysteen siidaynta Boqol iyo Konton Qofood oo Soomaali ah kuwaas oo ay habeenihii lasoo dhaafay xaafada Islii ka qab qabteen ciidamadu, Safiirka ayaa waxaa kaluu sheegay in dadka lasii daayay ay yihiin kuwo haysta sharciyada lagu joogi karo dalka Kenya, waxaana uu ugu baaqay Soomaalida ku dhaqan Nairobi ee aan sharciga haysan ay iska diiwaan galiyaan xafiisyada ha’adda qaxootiga u qaabilsan  UNHCR ee Qaramada Midoobay.

0 comments:

Post a Comment