Sunday, December 19, 2010

Gudoomiyha Hay’ada Ka Hortaga Aafooyinka Dabiiciga NERAT Oo Shaaca Ka Qaaday In Somaliland Ay Ku Soo Food Leedahay Abaar Ba’an Lagayaabana In Ay Saamaso Nolosha 30% Dadka Reer Somaliland

Hargeysa(BCT)- Gudoomiyha Hay’ada ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ee Somaliland (NERAT) Dr. Maxmed Muuse Cawaale ayaa shaaca ka qaadayn in Soamliland ay soo food saaratay Abaar Iyo Biyo la’aan ba’an, isla markaan hadaan laa diyaar garoobin ka hortaga Abaartaas, ay saameyn doono qiyaas ahaan 30% bololkiiba sodon dadaweynah Reer Somaliland.

Gudoomiyha ayaa waxa uu sidaasi u xaqiijiyen mar  uu maanta xog waran khaasa ah xafiiskiisa ku siiyey Shabakada Oodweynews iyo Wargeysaka Saxafi, waxana uu xusay in ay wadaan Qorshihii lagaga hor tagi lahaa Abaar ba’an oo Somaliland ku soo food leh, waxa kale oo uu sheegay in ay u Gud biyeen Madaxweynaha Somaliland qoraal ku saabsan Abaaraha isla markaana maalmaha soo socda Xukuumadu ay si heer caalami ah ugu dhawaaqi doonto.

Waxa uu ugu horayn Dr. Maxamed Muuse Cawaale ka waramay xaalada guud ee dalka cimilo ahaan waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ sanadkan waxa alaale wixii aynu roob suganay ma aynaan helin, xagaagii dayrta ku xigi jirayna ma aynaan helin, Dayrtan dee waxa ku xigaa waa jiilaal oo waa roob la’aan, Roobna waxa inoogu horaysa waa dabayaaqda  bisha afaraad (March) ee sanadka fooda inagu soo yaha, markaasi waxa hubaal ah in hadii Roob la waayo ay abaaro dhacayaan”

Waxa kale oo uu intaas ku daray Gudoomiyha Hay’ada NERAT “ waxa ay Dawlada Somaliland wadaa qorshihii laga hortagi lahaa abaarahaas dalaka ku soo food leh, waxanu Madxweynaha u Gubinay xogta abaartaas, waxa ay Xukuumadu dhawaan ka yeelan doontaa kulamo, ka dibna  marka uu Madaxweynuhu saxeexana waxa si Rasmiya Xukuumada Soamliland ugu dhawaaqidoontaa in dalaka ay abaaro soo food saareen”

Waxa kale oo uu Gudoomiyha Hay’ada ka hortaga Aafooyinka dabiiciga ah ee Somaliland Dr.Maxamed Muuse Cawaale uu ka waramay baaxada ay leedahay abaartan iyo Gobolada ugu daran waxana isaga oo arintaas ka hadlaya uuu yidhi “horta abaartu wey kala duwn tahay, tusaale ahaan abaarta ugu darani waa tan ka jirta Gobolada bari ee Somaliland waa biyo la’aan, waayo wax roob ah oo ka daray deegaanadaas ma jiro, Galbeedku isagu waa uu yara dhaamay bariga laakiin isagana waxa heshayn Diqin ba’an (Qabow) waxan uu Qabowgaasi saamyeyey Dadkii iyo xoolihii,  Gobolada ugu darni ee biyo la’aantu ka jirto  waa Togdheer, Sanaag iyo Sool, oo waxaban maqlayey in imika Foostada biyha ahi marayso 20.000 oo Shillig S/land ah”

Waxa kale oo oo intaas ku daray Dr. Maxamed Muuse Cawaale “ Gobolka Awdal weynagii ogayn oo waxa ka dhacay Dhulgariir, waxa ugu sii biiray Qabow aad u daran, taasina waxa ay saamaysay nolosha dadka rayidka ah, Xoolihii iyo beerihiina weysaamaysay, waxa uu qabowgaasi daciifinyaa dadkii, Qorku marka uu daciifan waxa uu khatar ugu jiraa in ay ku dhacaan xanuuno”

Waxa kale oo uu Gudoomiyaha Hay’ada ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ee Somaliland (NERAT) Dr. Maxmed Muuse Cawaale ka hadlay saamaynta abaartan iyo sida looga hor tagi karo waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ waxa laga yaabaa in ay Abaartani saamayso nolosha 30% dadka reer Somaliland, sida kaliya ee laga hor tagi karaana waa in loo diyaar garoobo, hadii ay tahay Dawlada, Shacab iyo Hay’adba, anagu ka Haya’ad ahaan waxa aanu samaynaa laba arimood marka ay abaartu bilaabanto, waxa aanu samaynaa biyo dhaaamin iyo Tuulooyinka ceelasha biyha leh oo aanu Ijiinada u hagaa jino, kuwa biyhu ka dhamaadeena aanu biyo ugu shubno, arinaasi waxa ku baxa kharash aad u badan waxan iska kaashada Dawlada Somaliland iyo Hay’adaha, Tusaale ahaan waxa sanadii 2008 abaarihii dalka ka dhacay waxa ku baxay 4 ilaa 5  milyan oo doollar” sidaana waxa yidhi Gudoomiyha Hay’ada ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga (NERAT) ee Somaliland Dr. Maxmed Muuse Cawaale.

0 comments:

Post a Comment