Friday, December 10, 2010

Sidee looga soo dhaweeyay gudaha Somaliland Wargeyska The Enterprise?

Wargeyska Caalamiga ah ee Enterprise oo ka soo baxa wadanka Ingiriiska, ayaa markii u horaysay waxa isku mar laga wada akhristay Somaliland gudaheeda iyo wadanka UK, iyada oo magaalooyinka waawayn ee Somaliland, si wayn looga soo dhaweeyay.

hadaba waxaanu jecelahay in aad nala daawataan bal qaabka ay u soo dhaweeyeen dadka ku nool gudaha Somaliland oo Maalintii dhawayd ee uu soo baxay wargaysku kuna quraacday akhriska wargeyska Enterprise.


hadaba dadawaynaha oo aad uladhacsan dhayaa waxay is waydiinayaan sida ay suura gal u noqotay in isku mar laga akhriyo somaaliland iyo Uk iyadoo bulshada Somaliland si wayna ugu qushuucay sida qiimaha iyo quruxda leh ee loosoo agaasimay talooyin badan iyo tusaalooyin wax ku ool ah oo aan la ilaawikari usoo diray shirkada iska leh wargayska The enterprise Ee west publishing kuna dhiiriyey inaanu istaagin wargaysku.

hadaba si kasta ha ahaatee wergayska oo aanu xidhiidh layeelanay xafiiskiisa Uk ee The entreprise waxay kaga jawaabeen codsiga dadwaynaha oo ay noo sheegeen in ay xafiisyo ka furteen Somaliland culaysna sarayaan in uu wargaysku noqdo wargas ay ku xisaabtamaan bulshada somaaliland. shirkaduna diyaar u tahay iyadoon cidna wax kaga doonayn in ay bulshada si hagarla ugu shaqayso hankooda iyo aragtidoodana korloo qaado codka bulshadana meel dheer laga maqlo iyo in ay isku xidhmaan bulshada somalialnd ee aduunka dacaladeeda kala jooga sidaa waxaa warbixin nagu siiyey mulkiilaha shirkada west publishing Mr khaliif maxamed warsame (xiin waal).








0 comments:

Post a Comment