Thursday, December 16, 2010

Dagaallo Ka Dhacay Maanta Magaalada Muqdisho & AMISOM oo Duqeyn Xooggan u Geysatay Suuqa Bakaaraha

Dagaallo Ka Dhacay Maanta Magaalada Muqdisho & AMISOM oo Duqeyn Xooggan u Geysatay Suuqa BakaarahaMUQDISHO(BCT)-Ciidamada AMISOM ee Degen degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ayaa maanta duqeeyay Meelo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyadoo dhinaca kalana dagaalo goos goos ah oo ay guulo ka sheegteen Al Shabaab ay ka dhaceen Muqdisho. Madaafiicda maaanta ciidamad AMISOM ay ku garaaceen Suuq bakaaraha ayaa ka dambeeysay kadib markii barqo nimadii maanta dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya AMSOM iyo Xarakada  Al Shabaab ay ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir. 


Madaafiicda ciidamada AMSIOM ay ku garaaceen Suuqa bakaaraha ayaa meelaha ay ku dhaceen waxaa ka mid ah Badarka, Bacaadlaha iyo Cabdalla Shideeye oo ka tiran Suuqa bakaaraha, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dad rayid ah oo ku suganaa gudaha Suuqaasi. 
Madfac ku dhacay Nawaaxiga Cabdalla shideeye ee Suuqa bakaaraha oo ahaa madfacii ugu khasaaraha badnaa ayaa waxaa ku dhintay 6- qof halka ku dhawaad 10-kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ahaa dad ganacsata ah iyo dad kale oo usoo adeeg doontay Suuqaasi,

Madaafiicda maanta Suuqa bakaaraha ku dhacday ayaa waxa ay saamayn ku yeeelatay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray Suuqaasi inkastoo markii dambe uu suuq dib u furmay kadib markii ay joogsatay Madaafiicdaasi. 

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada Xarakada  AL Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa waxaa uu sheegay in weerar shalay galinkii dambe ay ku qaadeen fadhiisimo ciidama dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ay ka dileen dhowr askari oo ka tirsan AMISOM islamarkaan ay kula wareegeen hub farabadan sida uu hadalka u dhigay. 
Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab waxaa uu sheegay in ay waxa ay ladagaalamayaan ay yihiin ciidamada AMISOM waxaaana uu sidaasi daraadeed ugu baaqay ciidamada dowladda in ay ka baxaan dowladda oo ay kusoo biiraan Xarakada Al Shabaab. 

0 comments:

Post a Comment