Tuesday, December 28, 2010

IRAN oo deldashey nin u basaasaayey ISRA’IL.

TEHRAN(Burcotoday) Xukuumada islamiga ee Iran ayaa saaka oo salaasa ah aroornimadii hore waxay ku fuliyeen xukun deldelaad ah nin lagu soo eedeeyey inuu u basaasaayey yuhuuda laanteeda qaybta soo ururisa sirraha cadowga dowlada isra’il ee lagu magaacabo MOSSAD.waa sida ay sheegayso wakaalada wararka ee Iran  ee Mehr.
Ali Akbar Siadat oo ahaa danbiilihii lagu heley falkan basaasnimada ayaa lagu diley xabsiga Evin Prison waa sida ay Mehr faafisey,siadat oo lagu soo eedeeyey inuu u shaqaynaayey mukhadaradka yuhuuda ee Mossad sanadihii 2004 ilaa 2008 oo ahayd markii gacanta lagu dhigey isagoo damacsanaa inuu kadhoofo dalka Iran.
Ninkan basaaska ahaa ayaa wuxuu siinaayey warar qarsoodi ah waxanu ka helaayey lacag dhan 60,000 oo dollar waxaanu lacagtaas heli lahaa marka uu ku noqdo dalka isra’il waa sida ay Mehr sheegtey.
 
Siadat ayaa cadeystey inuu danbigan kuguda jirey waxaana lagu xidhiidhinayaa inuu xidhiidh qarsoodi ah la lahaa safaarad mar uu xidhiidh ganacsiga la lahaa dadkale oo ajanabi ahaa waxaanu siinayey warar qarsoodi ah dowlada isra’il ,waxana wararku ay intaas ku darayaan in uu warkaas basaasnimada ahaa ee uu yuhuuda siinayey ay ku saabsanaayey cutub ka tirsan ciidamada military-ga ah ee dowlada Iran.
Wararku mey sheegin safaarada ay ahayd ta uu Siadat la lahaa xidhiidhka iyo wadanka ay ku taaley toona .
Dowladaha yuhuuda iyo Iran ayaan lahayd xidhiidh diplomasiyadeed oo u dhaxeeya labadan dal oo isku ah cadow iyagoo kuwada yaala barriga dhexe mid kastaana aanu dooneyn in barriga dhexe uu yeesho awood aan ta dalkiisa ahayd,iyagoo loolan aad u darani ka dhaxeeyo iyadoo dalka Iran hadda uu gacanta ku hayo inuu sameysto hubka sida ba,an wax u gumaada ee loo yaqaano Nuclearka ,taas oo haddi uu dagaal ka dhex qarxo labadan dowladood u halis ku yahay barriga dhexe yo caalamka oo dhanba ,sidoo kale Iran ayaa deldashey basaas kale oo u shaqaynaayey yuhuuda oo lagu magacaabo Ali Ashtari waxaana ay fuliyeen xukunka sanadkii 2008 dii.

0 comments:

Post a Comment