Tuesday, December 14, 2010

Qaraxyadii shalay galab ka dhacay wadanka Sweden oo la xaqiijiyey inay fuliyeen dad naftood hurayaal ah

13/10/2010- Sweden: Qaraxyo is miidaamin ah oo uu gaystay shakhsi xag jir ah ayaa shalay galab 11-12-2010 ka dhacay badhtamaha caasimadda dalka Sweden ee Stockholm jidka la yidhaa "jidka boqoradda" oo ah meesha uu ku yaal suuqa ugu wayn Stockholm. Qaraxyadan oo ahaa kuwo is xig xigay, Waxa fuliyey qof ku hubaysnaa boorso ay ka buuxaan walxaha qarxa .Sida ay boolisku xaqiiyeen ninkani wuxu sitay boorsada dhabarka lagu qaato oo ay ku jiraan lix bambo laakiin xabed ka mid ah uunbaa qaraxday markii uu ku dhawaaday goobtii yoolkiisu ahaa, goobtaas oo ahayd meel dadku ka tukaamaysanayeen iyagoo u diyaar garoobayey ciidda krismiska oo kaabiga saaran. Waxay warbixintu xustay in ninkan yoolkiisu ahaa inuu dhiig ku faraxasho laakiin nasiib wanaag bay yidhaahdeen uma suurtoobin.
Waa qaraxii ugu horeeyey ee nuuciisa ahaa ee ka dhaca Sweden. Qaraxa hore wuxu ka dhacay goob ku dhaw goobta uu ninkani isku qarxiyey kaas oo ka dhacay baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey.Ninkuna wuxu qarxay waxyar uun markii uu jidka dhinaciisa kale uu u talaabay.
Shir saxaafadeed uu saaka 10.00-kii subaxnimo qabtay madaxa booliska Sweden ayaa lagu xaqiijay inuu falkani ahaa mid arga-gixiso oo looga gol lahaa in lagu gumaado shicib aan waxba galabsan. Shir saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ninkani 12 daqiiqo ka hor intaanu is qarxin email usoo direy hay'ada sirdoonka wadanka ee la yidhaa Säpo iyo wakaalada wararka ee wadankan Sweden -Tidningarnas Telegrambyrå (TT) oo ah the largest news agency in Scandinavia. Qaraxu wuxu dhacay abaaro 4:52 o'clock pm- Emailkana wuxu soo direy 4:40 daqiiqo saacadda waqooyiga yurub.

Sawirka qofkkii is qarxiyey oo maanta buuxinayay 29 sano jir
isqarxiye
Emailka uu ninkani u direy "TT"  oo ku qornaa swedish iyo carabi wuxu cinwaankiisu ahaa:  "FARIIN KU SOCOTA SWEDEN IYO DADKA SWEDISHKA AH"

Wuxu hadalkiisa ku bilaabay -Looma baahna aamusnaan intaa ka badan in laga aamuso ficilkii foosha xumaa ee Lars Vilkis, (oo uu ula jeeday sawir gacmeed uu ninkan Lars Vilks oo swedish ahaa ku aflagaadeeyey Nabi Muxamed (CSW) iyo buu yidhi ciidamada aad Afghansitaan u dirteen. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi: Waxa la gaadhay wakhtigii caruurtiina, gabdhihiina iyo walaalihiin ay u dhiman lahaayeen sida kuwayagu u dhintaan.

Wuxu intaa ku darey:- Ficilkayagaa hadli doona. Inta aanad joojin ama aad wadaan dagaalka aad kula jirtaan muslimiinta,xaqiraadda nabi Muxamed iyo taageerada stupidhka doofaarka ah ee Vilks la yidhaa.

Ninkani isagoo la hadlaya muslimiinta Sweden ku dhaqan wuxu yidhi: Dhamaan muslimka Swedhanow, waxa idinku waajib ah inaad ka hortagtaan ka gil-gilataan xaqiraadda iyo iyo bahdilaadda la idinku hayo.
Markale isagoo la hadlaya muslimiinta yurub iyo sweden wuxu leeyahay:- Waxa la gaadhay maalintii laga dagaalamayay,lama sii eegan karo. Waxaad haysaanba kala hortaga xataa midiyaha, waan ogahay waad haysataan wax midiyo ka badane. Ha biqina, iska daaya fuleynimada, haka biqina xabsiga, haka biqina dhimashada.

Boolisku wuxu sheegay in qorshaha ninkan aanu qoyskiisu ka warqabin sida ku cad qeybta kale ee isla fariintan oo uu udirey xaaskiisa. Wuxu raalli galin iyo cafis ka dalbaday reerkiisii. Isagoo la hadlaya reerkiisii iyo caruurtiisii ayuu fariinta ku yidhi sidan: Reerkeygii wanaagsanaayow cafwan, raalli ka ahaada beentii aan idiinka sheegay safarkii bariga dhexe. Waligay bariga dhexe uma tegin inaan lacag kasoo xoogsado, halkaa waxan u tegay jihaad. Wuxu sheegay inayna suurogal ahayn inuu xaaskiisa iyo caruurtiisa toona u sheego arimaha uu ku dhex jiro. Wuxu xaaskiisa uu caddeeyey jaceylka uu u qabo, wuxuna ka codsaday inay caruurtiisa u dhunkato, una sheeg buu yidhi in aabahood jecelyahay-
"Säg till dem att pappa älskar dem".

Ninkan waxa polisku da'diisa ku sheegay 28 jir, asal ahaanna aan la xaqiijin laakiin u muuqdaa bay yidhaahdeen nin Jordaani ah(Urdun) wali ma kala cadda xogtiisu. Boolisku waxay sheegeen inaanay ninkan tuhumo hore ka qabin, markuu bariga dhexe tegayna aanay war ka hayn meelaha uu ka dagaal galay iyo cidda uu xidhiidh la lahaa. Balse ay imika baadhitaan ku jiraan. Waxa kale oo ay sheegeen inayna fariintiisa ku cadayn cid arintan gacan ka siisay. Booliska mar la waydiiyey in bamku ninka ku qarxay intaanu gaadhin meeshii uu dadka gu gumaadi lahaa iyo inkale; waxay yidhaaheen imika ma donayno inaan taa ka jawaabno.

Raysal wasaaraha wadanka Sweden Fredrik Reinfeldt oo maanta oo Axada shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa cambaareeyey weerarkan. Mar uu arintaa ka hadlay, wuxu yidhi " Waa fal aan la aqbali karin, Waa muhiim buu yidhi inaan dufaacno bulshadeena dhex-dhexaadka ah dimuqraadiyadana samir u yeelano.
Isku soo wada duuboo waa markii u horeysay ee qaraxyo caynkan oo kale ah ay arga-gixisadu la beegsato wadanka Sweden. Waa wax ku cusub dadka iyo dalkaba. Wadanka Sweden wuxu dhacaa waqooyiga qaaradda yurub, waxay dhinaca koonfureed xuduud wadaagaan dalka Denmark, dhanka galbeedna Norwey, halka dhinaca bari ay xuduud badda ah leeyihiin dalka Finland. Wadankan waxa lagu tiriyaa wadamada ay siyaasadoodu qabowdahay, laakiin wuxu qeyb ka yahay ciidamada xulufada ee Afghanstan ka dagaalama. Wadankani wuxu marti galiyey kumanaan muslimiin ah oo dagaalo iyo dhibaatooyin kalaba uga soo cararey dhulkoodii hooyo. Waxan shaki ku jirin in wax badani iska bedeli doono dalkan iyo habka uu ula mucaamilo bulshooyinka muslimiinta ah, ilgaarana lagu eegi doono xarakaadkooda. Sida safaradooda ay ku tegaan wadamadooda, lacagaha ay diraan, meelaha ay ku cibaadaystaan, madarasadaha ay caruurtoodu wax ku barato iyo baadhitaano dheeri ah oo lagu samayn doono dadka magan-galyo doonka ah ee kasoo jeeda wadamada islaamka iyo xuduudaha wadanka oo iska furnaa oo la filayo in sidii hore wax wayn laga bedeli doono. 

0 comments:

Post a Comment