Sunday, December 12, 2010

Madaxweyne Ku Xigeenka Somliland Oo Ka Qayb Glay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Xil. Xasan Boobe Oo Ka Mid ahaa Golaha Guurtida‏

Hargeysa (BCT)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay Aas heer qaran ah oo loo sameeyey  Marxuum Xildhibaan Xasan Axmed Faarax (Xasan Boobe).

Aaska marxuumka oo saaka ka dhacay Xabaahah Naasa hablood ee magaalda hargeysa ayaa waxa kale oo ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumada  shirgudoonka iyo Mudaneyaasha Golaha Guurtida, Maareeyaha dekada Berbera iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlay aaskii Marxuumka ayaa sheegay inuu dhambaal tacsi ah u dirayo qoyskii, Golaha Guurtida iyo shacbiga Somaliland oo uu sheegay inuu uga tacsiyadeynayo geerida Marxuum- Xasan Axmed Faarax, oo uu ku tilmaamay oday u soo shaqeeyay dalkiisa oo door muhiim ah ka soo qaatay nabadeyntii iyo dhismaha qaranimo ee Somalilandba.
Madaxweyne Ku Xigeenkii hore Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlay aaskii ayaa dhambaalka tacsida ah ee uu u diray qoyskiisii ka sokow, wuxuu sheegay in Marxuumku uu ahaa shakhi kaalin weyn ka soo qaatay marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray. Waxaanu sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha golaha guurtida ee sida weyn iskaga xil saara adkaynta nabadgelyadda.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay xildhibaano ka tirsan golaha Guurtida oo ka waramay shakhsiyadii marxuumka oo ku sifeeyeen inuu ahaa nin saaxibul salaad ah oo jecel horumarka dalkiisa.
Marxuum Xildhibaan Xasan Axmed Faarax (Xasan Boobe).ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanda Fara ku tiriska ah ee ka nool Xildhibaandii  golaha Guurtida sanadkii 1993-kii xiligii uu socday shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay magaalada Boorame, marxuumka ayaa waxa uu ka soo jeeday Gobolka Saaxil.

0 comments:

Post a Comment