Wednesday, December 29, 2010

Warbixin ku saabsan wacyigelinta gudniinka fircooniga ee Hay,adda CANDLELIGHT 2007-2010

Qormadan oo bille ah waxa aan kaga hadli doonaa bishan  waxqabadkii hay’ada candlelight ee
 
 sanadkii 2007-2010 ee  cidhibtirka gudniinka fircooniga ee ka socdey goboladada togdheer iyo sanaaag. waxa soo saarta Hay,ada Candlelight xafiiskeeda Burco.
Hay,adda Candlelight waxay ka mid ah ururada wadaniga ah waxayn ku hawlan tahay sidii ay wax ugu qaban lahayd, bulshada Somaliland dhinacyada ugu mihiimsan sida; caafimaadka, waxbarasharada, deeganka iyo wixii  baahiyahoodada kale ah.

Hay,adda Candlelight waxa ay wacyigelinta gudniinka fircooniga ka bilowday Somaliland sanadkii, 1999 kii mudo dheerna soo waday sidii ay bulshada ugu sheegi lahayd dhibka iyo waxyeelada caafimaad ee uu dhaxalsiiyo haweenka marka lagu sameeyo gudniinka fircooniga.
Hay,adda Candlelight iyo hay,adda ISF iyaga oo iskaashanaya waxay sanadkii 2007-2010 sigaara ah, uga bilawday gobolada togdheer iyo sanaag  mashruuc ku saabsan , sidii looga cidhibtiri lahaa ku ku dhaqanka caadada xun ee gudniinka fircooniga ee gabdhaha lagu sameeyo.

 Hay,adda Candlelight waxay samaysay 114 kulamo wacyigelin ah, oo bulshada loogu sheegayo dhibaatada gudniinka fircoonigu leeyahay,  lagu qabtay meelo kala gedisan oo ka mid ah gobolka togdheer, oo ay ka qayb qaateen kana  faa,iidaysteen dad ku dhaw qiyaastii 5385 oo qof.
Waxa kale oo ay samaysay 1,725 oo ah sawir gacmeedyo muujinaya waxyeelada gudniinka fircooniga,1,500 oo buug yare ay ku qoran yihiin macluumaad ku saabsan dhibaatada gudniinka fircooniga,10 boodh oo ay ku qoran yihiin sawiri iyo qoraalo muujinaya waxyeelada gudniinka fircoonigu u gaysto gabdhaha lagu sameeyo iyo 300 oo xabo oo ah garamo ay ku qoran yihiin wacyigelin ku saabsan gudniinka fircooniga dhamaan loo qaybiyey bulshada ku nool magalada burco iyo  gobolka togdheer.Waxa kale oo ay tabarbaro ku saabsan dhibaatada gudniinka fircooniga siisay 130 macalin oo isugu jira rag iyo haween oo wax ka dhiga dusiyada gobolka togdheer, waxa kale oo tababaro la siiyey 220 isugu jira kal-kaalisooyin sare oo caafimad iyo umuliso dhaqameedyada gobolka togdheer.
Waxa kale oo ay hay,adda Candlelight samaysay 7 jeer oo isugu jirta shirar wada tashi, aqoon iswaydaarsi iyo doodo oo loo qabtay 105 qof oo ah culimaa-u-diinka magaalada burco iyo gobolka togdheer.Waxa kale oo iyagana  tababaro la siiyey ardey isugu jira 22 wiil iyo 20 gabdhood  oo ah dhalinyaro isku fac ah waxana la baray sida sawircagmeedka loogu muujiyo qoraalka.Waxa laga furay  cisbitaalka magaalada burco waadh  lagu daweeyo haweenka ku waxyeelooba gudniinka fircooniga ah, iyo gaadhi ambalaas ah oo lagu soo qaado haweenka u xanuun sanaya ,wax yeeladda gudniinka fircoonigu uu ku  sameeyey. Intii uu furaa waadhkuna waxa  daweeyey iyo qaliinba loo sameeyey haween gaadhaya ilaa 140 isugu jira yar-yar iyo waaweynba.
2009 kii waxa ay hay,adda Candlelight iyo hay,adda ISF ka bilawday, gobolka sanaag magaaladiisa ceerigaabo hawl galo lamid ah kuwii ay ka waday gobolka togdheer, waxa la tababaray 720 macalin oo la baray dhibaatada uu lee yahay gudniinka fircoonigu, 504 waalidiin ahna waxalala yeeshay ku lamo wada tashi oo ku saabsan sidii looga joojin lahaa gabdhaha gudniinka fircooniga ah.
Waxa iyagana la tashi lagala yeeshay  90 culimaa-u-diin rag  iyo haween isugu jira sidii loo ciridhib tiri lahaa  gudniinka fircooniga maadama uu yahay shay diinta aanay ogolay in la sameeyo.
Waxa kale oo ay hay,adda CANDLELIGHT wadey mudadii sadexda sano ahayd ee uu socdey mashruucu wacyigelin dhinaca warbaahinta ah sida; barnaamijo,fariimo,riwaayado,doodo iyo qoraalo ku saabsan sidii looga cidhib tiri lahaa ku dhaqanka caadadan xun ee gudniinka fircooniga oo ay ka baahinaysay Radio,TV iyo joornaalka.
Hadaba markii uu masruucu soo dhamaanayey ayey hay,adda CANDLELIGHT, waxay samaysay sahamis ay ku eegeyso in bulshadu ka faa,iideysatay iyo inkale, wacyigelintii aadka u balaadhnayd ee ay soo wadey mudadda saddexda sano ahayd. waxayna ogaatay inay ka faa,iidaysteen  bulshadu una sii baahan yihiin in loo siiwado wacyigelinta sida ku cad, codsiga kaga yimid dhinaca  bulshadana  in loo sii wado  wacyigelinta ku saabsan in la joojiyo isticmaalka gudniinka gabdhaha.
Hay,adda CANDLELIGHT na waa ay ka aqbashay codsigaa bulshada uga yimid waxayna  u balanqaadey in ay u sii wadi doonto mashruuca afarta sano ee soo socda hadii alle yidhaa.   
  

0 comments:

Post a Comment