Thursday, December 9, 2010

Kulan Looga Hadlayay Arimaha Gudniinka Gabdhaha Iyo Marti Qaadka Dr. Edna + SAWIRO

Switzerland (BCT)-  Kulamo si aad u saraysa loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacayeen malmihii la soo dhaafay dalka Switzerland gar ahaan Magaloyinka Bern iyo Zurich , kulamadan oo laga arinsanayay barnaamiyo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Horumarinta Qoyska iyo dabar goynta caadada
arxandarada ah ee gabawdayee Gudniinka Fircooniga ah oo inbadan u horseeday xanuuno  farabadan  haweenka soomaliyeed iyo qaar ka mid
haweenka ku dhaqan wadamada so koraya iyo wadamo badan oo Africa ah.


Hadaba Dr. Edna Adan Ismacil oo ahayd wasiirkii arimaha debada ee
dawladii Dahir Rayale Kahin in mudo ah ka soo shaqaynaysay horumarinta
xuquuqda haweenka iyo dabar gaynta gudniinka fircooniga ayaa waxa marti
qaad u fidisay Wasarada Arimaha Debada ee dalkan Switzerland iyada oo
loo mariyay marti qaadka labada urur hoween ee kala ah Terre Des Femmes
iyo Voix Des Femmesoo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka iyo ka dabar
jarida Gudniinka fircooniga ah.
kulanka oo ay ka so qayb galeen dadwayne aad u tiro badan oo isugu
jiray Hooyooyinka, Fanaan iyo dhalinyaro rag iyo dumar baleh ayaa waxa
ugu horayn madasha kulanku ka dhacayay hadal kooban ka soo jeedisay
Marwo Casha Cali jilacaw oo ku hadhasay afka ururka haweenka soomalida
ee dalka switzerland kana war bixisay wax qabadka ururkooda iyada oo
sheegtay in ururkoodu guulo ka gaadhay ka hortaga gudniinka fircooniga
ah iyo horumarinta qoyska, intaasi kadib waxa lagu so dhawayay hadalka
Drs. Edna Adan oo si faahfaasan uga hadashay dhibaatooyinka uu ku hayso
caadadan foosha xun guud ahaanba haweenka soomalida iyo wali qaar ka mid
haweenka wadamada soo koraya iyada oo talooyin u soo jeedisay gabi
ahaanba haweenka soomaliyeed meelkasta ee ka so qayb galay kulanka.
hadaba mar ay la hadashay wariyayaal ku sugnaa goobta uu kulanku ka
dhacayay aya waxay noo sheegtay martiqaad ay ka heshay Wasarada Arimaha
debada ee dalka switzerland ujeedadiisu tahay ka qayb galka barnaamij
loogu ololaynayo xuquuqda haweenka oo so bilaabmay 25 November ee
sandkan oo ku beegnayd malinta haweenka iyo 05 December oo loo
aqoonsaday maalinta la dagaalanka gudniinka haweenka iyo waliba 10
December oo ku beegan maalinta xuquuqul insaanka iyada oo ay intaasi
dheeryihin tababaro iyo talooyin caafimaad oo ay siinaysay qaar ka mid
ah ururada haweenka ee dalka ka hawlgala.
si kastaba ha ahatee safarka Edna ay ku joogto dalkan Switzerland ayaa
waxa aan ka maqnayn halganka Ictiraaf raadiska somaliland iyada oo
kulamo kala gadisan la yeelatay qaar ka mid ah jaaliyada somaliland ee
ku dhaqan dalkan waxana uga xog warantay gabi ahaanba horumarka uu
gaadhay dalku tan iyo intii gooni la isaga tagay somalia iyada oo u
sheegtay in aysan kali masuliyada ictiraaf raadisku ayna ku koobnayan
siyaasiyiinta ee qofkasta oo somalilander ah ay tahay waajib saaran
qofkasta oo somalilander aha oo qurbe jogana u yahay safiir.

0 comments:

Post a Comment