Tuesday, December 14, 2010

Xisbiga UCID Oo Iskii Ugu Dhawaaqay Heshiis Ay Wada Galeen Xisbiga Macaaradka Ah Ee UDUB+SAWIRO

Hargeysa(BCT)-Gudoomiye KU Xigeenka iyo Xoghaya Guud ee  Xisbiga Cadaalda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID ayaa maanta shir jaraa’id Oo ay maanta ku qabteen Xarunta Xisbigaas waxa ay iskood ugu dhawaqeen heshiis sadex qodob ah oo ay la galeen Xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UDUB.

Shirkan jaraa’id ee ay maanta qabteen masuuliyyinta xisbiga UCID ayaa waxa ayaa waxa ka qayb galay Gudoomiye Ku Xigeenka Aadan Waqaf Xoghaya Guud Muuse Inji,Agaasimaha Maamulka Iyo Qorshaynta Md.Maxmed Xasan Dirir, Cabdilaahi Xasan Dheer oo Xubinka ka ah Golaha dhexe ee Xisibga UCID.

shirkan Jaraaid  ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxmed Mire(Waqaf), waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ waxaan maanat shirkan jaraaid uy qabatay in aan maanta halkan ka cadeeye heshiis ay isla gaadheen labda xisbi Mucaarid ee UDUB Iyo UCID, balse xisbiga UDUB meesha ka maqan yahay, waxana ay sheegidoonaa nuxurka sadexda qodob ee aanu ku heshiinay, wax aynu ogsoon nahay in dalkni Doorasho ku cana maalayu, wax kel oo aynu ogsoonahay doorashdii dalka ka qabsoontay 26,juun sidii wanaagsanayd ee ayn inoogu qabsoontay iyo sidii wanagsanhayd ee Xilkii looga kala wareegay,taa soo acaalkna iyo aduunka oo dhani ingu wada amaanay, wax kale oo aynu ogsoonahay in dalkani doorasho ku iibsamayo, waxa jirtay in labda xisbi Mucaarid ay sadex shir isugu inimd, is ay fikir midaysan ugu qaadan lahjaayeen sadex arimood oo aan sheegi doono, arintaas Gudi ayaa loo saaray sdii ay Go’aan ugu soo gaadhi lahaayeen”.

waxa kale oo uu intaas ku daray Md.Waqaf ” Gududii waxa ay isla qaadatay sadex Qodob, intaas ka dib waxa uu Xisbiga UDUB nagu yidhi anagaa siku noqonayna sidii aaanu arintaas ka yeelilahay, waxa qorshuhu ahaa in aanu maanta hlkan kaga wada dhawaaaqno heshiiskan, may dhicin taasi waxan aynu ka warsagaynaa wixii ka soo baxa dhan kmooda, waxanu aanu anagu UCID ahaan go’aansanay in aanu bulshada u shaacino waxanaanu ku heshiisnay, heshiiskaas waxa ka horeeyey mid ay si wada jira ku wada saxeeseen Sadexda Xisbi Qaran Iyo Gudida Doorashooyinka waran” sidaana waxa yidhi Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxmed Mire Waqaf.

Intaas ka dib waxa qodaboa lagu heshiiyey halkaas ka akhriyey Xoghayay Guud ee Xisbiga UCID Muuse Inji, Qodobda sheshiiskuna waxa u dhinaayeen sidan:-

  1. Labada doorasho ee Deeganka iyo Wakiilada in la qabto ugu danbeyn intaanu dhammaan sanadka 2011 isku marna la qabto, sidii horeba ay iskula qaataan saddexda Xisbi Qaran iyo Guddiga Doorashooyinku.

 

  1. Maadaama ay ka soo wareegtay wakhtigii la qabtay diiwaangelintii hore wakhti badan oo ay dad badan oo wakhtigii aan qaan qaadhin ay maanta xaq u yeesheen inay codeeyeen, qaar kale oo maqnaana ay maanta joogaan waxa looga bahan yahay Guddiga Doorashooyinka in la diiwaangeliyo dadkaas sida sharciga ku qeexan. Diiwangelintaas dadka xaqa u lehena waa  in loo qabto doorashooyinka ka hor.

 

  1. Waxa Xukuumada looga baahan yahay inay dhamaystiro, dabana gesho sidii loo qabyo tiri lahaa xeerarka doorashooyinka golayaasha qaranka si ay u suurto galaan doorashooyinku inta ka horeysa dabayaaqada 2011.

 

Waxa heshiiskan labada dhan u kala sexeexay                   

 

                  UDUB                                                           

  1. Maxamed Cabdi Daa’ud

 

  1. Kayse Cali Geedi

 

  1. Maxamed Aw Daahir

 

UCID

  1. Adan Maxamed Mire Waqaf

 

  1. Xasan Xuseen Codyare

 

  1. Cabdillaahi Siciid Dheere. 

 

0 comments:

Post a Comment