Wednesday, December 29, 2010

Hargeysa oo laga Bilaabay Olole ka Dhan ah Tuugta Dadka Baadhata iyo Dhaqan-xumooyinka

Hargeysa (BCT)- Magaalada Hargeysa ayaa laga bilaabay olole lagu ugaadhsanayo kooxaha tuugta ah ee waqtiyada habeenkii dadka baadha iyo dhaqan-xumooyinka ka soo horjeeda diinta islaamka.
Hawlgalkan oo uu fulinayo Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo kaashanaya ciidammada booliska, ayaa lagu doonayaa in wax lagaga qabto falal amni-darro sii badanaya oo kooxo tuug hubaysan ahi waqtiyada habeenkii dadka ku baadhaan iyo weliba falalka lidiga ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka bulshada Somaliland.
Qoraal wargelin ah oo uu soo saaray shalay Guddoomiyaha Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Xaaji Ibraahim Cabdillaahi (Dool) oo lagu faahfaahiyey hawlgalka ay guddigooda iyo ciidammada bilaysku wadajirka uga fulinayaan caasimadda Hargeysa iyo meelaha uu sida gaarka ah ugu jihaysan yahay, waxa uu u qornaa sidan;
“Waxa la ogaysiinayaa dhammaan dadweynaha ku dhaqan caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa inuu socdo olole ka dhan ah Ilaah cayga, Nebi cayga, diin cayga iyo dhammaan falalka dhaqan-xumada iyo nabadgelyo-darrada ah, sida isla-joogta habeenkii, mukhaadaraadka, khamrada iyo tuugta habeenkii dadka meelaha madow ku baadha ee sita midiyaha dhaadheer iyo guryaha ay dhaqan-xumadu ka socoto ololahaas oo socon doona habeen iyo maalinba.
Hawlgalkaa waxa fulinaya Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan-reebista, iyadoo amar ka haysata Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Jananka Booliska oo ay wehelinayaan booliska, cidii arrimahas lagu qabto si dhakhso ah ayaa loogu gudbin doonaa maxkamada degmada, waana la xidhayaa si magaalada looga cidhib-tiro wax allah wixii dhaqan-xumo ah.
Haddaba, dadweynaha waxa lagu boorinayaa inay ilaashadaan diintooda suuban ee Islaamka ah iyo dhaqankooda wanaagsan, gacana ku siiyaan booliska iyo Guddiga Wanaag-farista hawlgaladaas, qof kastana askari ha ka noqdo goobta uu joogo.”

0 comments:

Post a Comment