Monday, December 27, 2010

Qaar Ka Mida Shaqaaha Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo U Fadhiistay Imxitaan Lagu Qiimaynayo Heerkooda Aqooneed

Hargeysa(BCT)-  shaqaalaha  Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa  maanta u fadhiistay Imixaan lagu qiimanayo heerkooda Aqooneed,isla markaana lagu dajinayo darajda kala sareynta shaqaalaha Wasaarada.

Imixaankan oo ay qaadayso Hay’ada Shaqaalaha Somaliland ayaa waxa Goob joog ka ahaa Wasiirka  Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaaliil C/laahi Axmed, Wassiir-kuxigeenka Wasarada Maaliyada Md. Warsame Siciid Cabdi, Guddomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Maxamud Aw Cabdi Ismaaciil.

Shaqaalahasi imtaxaankasi u fadhisanyey ayaa  tiradoodu  ahayd ilaa  220 xubnood, oo guud ahaan tood kawada hawl gala Wasaarada Maaliyada,  Imtixaankan ayaa wax soo diyaarisay Hay’adda shaqaalaha ee Somaliland, waxana imtaxaanka lagu qaaday Hoolka xarunta hay’adda shaqaalaha ee magalada Hargeysa.

Wasiir ku-xigeenka Wasarada Maaliyada Md. Warsame Siciid Cabdi oo Shaqalaha wasarada maaliyada u furayey Imtaxaanku Waxa uu yidhi “Imtaxaankani waa siyaasad dawladeed ma ah wax wasarada maaliyada uun u gaar ah, waxanu Imtaxaankani daba socdaa imtaxaankii barrigii hore la qaaday, qofka bini’aadanka ahi in uu istijaabiyo heerkisa aqoneed waa shay loo bahan yahay, qofka shaqaalaha ahna baraarugo ayey u noqonaysaa haddii uu dhaco dee aqoontisa ayuu dhisi doona haddii uu ku guulaystan dee waa mid fiican, midna aan shaqaalow  idiin sheego qofkii Imtaxaanka  dhaca shaqqo laga eryeyaa  mayo, ee tababar aqoontiisa kor loogu qaadayo uun baa la siinaya.”

Guddomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Maxamud Aw Cabdi  Axmed ayaa waxa uu ka waramay Imtixaankan iyo Qaabka ay u saxayaan waxana uu yidhi “Laba arrimod ayaan halkan idiinka balan qaadayaa, oo kala ah in wasiirka Diinta iyo Awqaaftu nagu dhaariyo  kitaabka quraanka ah hortiina , si anay eexina u iman, cadaalad daran u iman, ujeedada imtixaankan laga leeyahay waa in aynu qalinkeena ku toosino, in aynu herar kala lahaano, iyo in musharka lagu dalaco, iyo in kii aqooni reebtolagu darro maxaadka Hay’adda shaqaalaha, waxa kale oo anu ku tallo jirnaa in aanu xuquuqdiina ilaalino.”

Waxa kale oo isguna la dardaarmay shaqaalaha wasarada maaliyada wasiirka wasarada Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaaliil C/laahi Axmed waxanu ku dhiiri geliyey in ay imtaxaanku yahay mid lagu eegayo aqoontooda balse aany dan gaar ahi jirin, waxa kale oo uu ka dhawajiyey in qorshani yahay mid wasaradaha oo dhan soo mari dona.

Imtixaakan oo ah ki ugu horeeyey ee noociisa ah ayaa “waxa uu Imixaankani waxa uu noqonayaa mid aan ku ekaan doonin Wasaarada Maaliyada balse bilow ah, isla markaana Guud ahaan Shaaqlaha Dawlada laga wada qaadi doono, si loo xaqiijiyo tayada iyo aqoonta shaqaale weynah Dawlada Somaliland”  ayey sheegeen Masuuliyiinta Hayadaasi.

0 comments:

Post a Comment