Monday, December 20, 2010

MEXICO:Dhuun Shiddaalka Qaada oo Qaraxdey Disheyna 27 qof.

MEXICO CITY (BCT)- Dhimasada ayaa kor u sii kacaysa kadib markii ay qaraxdey dhuun shiidaalka qaada badhtamaha dalka mexico ,waxana ku dhintey inta la xaqiijiyey 27 qof halka 52 qof oo kale ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen ,waana sida ay sheegtey xarunta tamarka iyo petrolka ee loo yaqaano Petroleos Mexicanos (pemex) .

sida ay ku wareyso wakaalada wararka shiinaha ee xinhua oo sheegtey iney telephone kula xidhiidheen saraakiisha gobolka Puebla state ayaa ku tilmaamey sababtii keentey iney qaraxdo dhuuntey kadib markii si danbinimo ah wax loogu garaacey furaha qasaabada dhuunta shidaalka iyadoo ka dib furka tuurtey sidaasna uu ku yimi qaraxani .
saraakiisha Puebla ayaa sidoo kale ka waramey waxyeeladii iyo dhibaatada ay mashaqadani keentey iyagoo sheegey 33 guri ay gebi ahaanba burbureen iyadoo sidoo kale 32 guri ay soo gaadhey waxyeelo aad u ba’ ani.Pemex oo ah xarunta maamusha tamarta iyo petrolka dalkaas ayaa iyaduna geesta kale tilmaantey in 115guri ay waxyeelo soo gaadhey .dowlada ayaa 5000 oo qof ka daadgureysey waxaana la dejiyey dhulal gaboodyo ah sidoo kale waxa la bilaabey in la nadiifiyo meelihii ay waxyeeladu soo gaadhey .

Pemex ayaa sheegtey in ay mashaqani dhacdey markii ay saacada wadankaasi ahayd 5:50 am waxaana la bakhtiiyey dabkii 10:00 am ,warku waxa kale oo uu intaas ku darey in loo direy khubaro so baadha waxyeeladii ay soo gaadhsiisey deeganka waxaana la geeyey goobtaas 125 askari oo ilaalo ka haya goobtaas dhibaatadu ka dhacey.
wararku waxay intaas ku darayaan in 10 qof oo ka mid ah dadkii ku dhintey dabkaasi ay isku qoys kasoo wada jeedeen iyadoo gurigoodu uu u dhawaa goobtii uu qaraxaasi ka dhacay .wasiirka arimaha gudaha ee dalka mexico  Francisco Blake ayaa u socdaaley magaalada San Martin si uu halkaas shir jaaraa’id ugula qabto duqa gobolka  mr Valentin Meneses.
inkabadan 25 gaadhi ayaa ku basbeeley oo ku gubtey dabkii ay sababtey dhuunta shidaalka ee qaraxdey .
qiiqii ka dhashey qaraxa dhuunta shidaalka qaada ayaa lagu soo waramaya in ilaa 50 meter uu dhulka kor uga kacey waxaana la sheegayaa in dhowr kilo meter uu gaadhey dhulalka ka fog goobtaa uu shilkani kadhacay . magaalada uu shilkani ka dhacay ayaa dhanka bari kaga beri kaga beegan magaalada Mexico City ee ah caasimada dalka Mexico waxaaney u jirtaa qiyaas ahaan  250km.

0 comments:

Post a Comment