Wednesday, December 8, 2010

Shir Balaandhan Oo Laga Hadlayo Sare U Qaadida Ka Faa’iidaysiga Tamarta Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Hargeysa+SAWIRO

Hargeysa (BCT) – Wasiirka wasaaradda Macdanta Tamarta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale  ayaa maanta Hotel Maan-soor ee magaalada  ka furay Shir-balaadhan oo lagaga Hadlayey  faa’iidaysiga Tamarta iyo Cadceedda.

Shirkaasi oo ay si wadajia isaga kaashadeen Wasaaradda Macdanta Tamarta iyo Biyaha iyo Hay’adda ADRA waxaa kasoo qaybgalay,Agaasimaha Hay’adda ADRA Mr Patrik Pallak, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta Tamarta iyo Biyaha,  Hay’adaha Maxaliga ah gaar ahaan NGO yada ku shaqada leh arimaha Deegaanka iyo shirkadaha Layadhka.

 

 

Waxa halkaasi ka hadlay  wasaaradda Macdanta Tamarta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale oo ka waramay hadafka guud ee ay Somaliland ka leedahay sidii loo hormarin lahaa awoodda Tamarta dabiiciga ah ee Ilaahay dalkeena ku nanaystay, wasiirku waxa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in loo hawlgalo sidii loo dardar galinlahaa waxsoo-saarka ku wajahan ka faa’iidaysiga Tamarta Cadceedda.

 

Waxa kale oo uu Wasiirku Intaas ku daray “waxaa loo baahanyahay inaan tamarta ka faa’iidaysiga gaadhsiino dadka reer miyiga ah ee aanay ku ekaan oo kaliya dadka magaalada dagan” ayuu yidhi wasiirka Macdanta iyo Biyaha.wasiirku waxa uu carabka ku dhuftay inay jiraan dhiaatooyinkale oo la xidhiidha xagga dhaqaalaha.

Dhanka kalana wasiirku waxa uu ka dhawaajiyey inay jiraan shirkado dadka ka qaada lacago badan oo aan mararka qaarkood ku hanoonayn amase aan ahayn sidii saxda ahayd ee uu qofka guriga dani wax u isticmaalay,wasiirku isaga oo arimahaa ka waramaya waxa uu yidhi “shirkadaha laydhka soo saara qudhooda waxaa haysta qiimaha shidaalka ay isticmaalaan oo aad qaali ugu ah”

 

 

Wasiirku waxa uu ka hadlay sidii loo daryeeli lahaa arimaha deegaanka iyo ilaalinta dhirta sidii aanay Xooluhu u waayi lahayn daaqii ay ka cunilahaayeen dhirta,waxaanu sheegay inay soo afjartay Xukuumadda Somaliland Siyaasadda ka faa’iidaysiga Cadceedda iyo Tamarta waxanu talaabada 2aad ee taa xiga ku sheegay inay tahay sidii loogu samayn kahaa sharcigii lagu dhaqi lahaa tamarta.

Waxaanu halkaa uga mahadnaqay dhamaan intii kasoo qaybqaadatay gaar again Hay’adda ADRA oo xafiiskeeda Somaliland qayb weyn kasoo qaatay sidii hawsha u jahaynta ka faa’iidaysiga Tamarta Cadceedda.waxaakale oo uu wasiirku xusay kaalintii ay ku kahaayeen NGOs ka Somaliland sida Nagaad,Candlelight iyo Havoyoco.

 

Intaa ka dib waxaa halkaa ka hadlay Mr Patrik Pallak oo ah madaxa Xafiiska Hay’adda ADRA oo tan soo qaban qaabsiay barnaamijka ka faa’iidaysiga Tamarta casriga ah ee ay maanta wadamo badan oo caalmka ka mid ahi u adeegsadaan badalka dhuxusha iyo jaridda dhirta qaaliga ah ee ay maanta sidaan la wada socono xaalufiyeen dadka caadaystay dabar goynta dhirtii Xooluhu daaqilhaayeen.

 

Mr Patrik waxa uu sheegay inay intii muddo ahba soo wadeen sidii kor loogu qaadilahaa ka faa’iidaysiga Tamarta casriga ah isla markaana ay dadaal badan iyo kharashba ku bixiyeen walina ay diyaar u tahay Hya’addiisu inay sii waddo ku dhiiri gelinta bulshada Somaliland sidii ay ugu jahaysna lahaayeen wax soo saarka Tamarta casriga ah sida Dhxul dhagaxda la shito iyo Dabaysha Biyaha dhalisa iyo kuwo kale.

 

Mr Patrik waxa uu sheegay inay intii muddo ahba soo wadeen sidii kor loogu qaadilahaa ka faa’iidaysiga Tamarta casriga ah isla markaana ay dadaal badan iyo kharashba ku bixiyeen walina ay diyaar u tahay Hya’addiisu inay sii waddo ku dhiiri gelinta bulshada Somaliland sidii ay ugu jahaysna lahaayeen wax soo saarka Tamarta casriga ah sida Dhxul dhagaxda la shito iyo Dabaysha Biyaha dhalisa iyo kuwo kale.

0 comments:

Post a Comment