Wednesday, December 29, 2010

ADDIS ABABA oo ka dhawaajisay isticmaalka dekedda Berbera iyo xaddiga badeecaddaha u soo mara dekedda dalka Jabuuti, & inaanay Daboolayn dekedda Jabuuti oo keliya Baahida itoobiya

ADDIS -ABABA(BCt)- ayaa ka dhawaajisay isticmaalka dekedda Berbera iyo xaddiga badeecaddaha u soo mara dekedda dalka Jabuuti, waxayna sheegtay inaany Daboolayn dekedda Jabuuti oo keliya Baahida itoobiya

Sida ay faafisay shabakadda WIC, Xukuumadda Itoobiya oo in  ganacsigooda dhoofinta iyo dejintu u maraan dekedda dalka Jabuuti,80% ,ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay indhaha ku heyso raadsashada fursado kale oo ay ku jirto isticmaalka dekedda Berbera ee somaliland, taas oo la sheegay in sannadkiiba ay soo maraan badeecado gaaraya 800,000 oo ton, inkastoo la sheegay inaany wada daboolin adeeggaas baahiyadooda.
Agaasimaha guud ee arrimaha Baddaha Mr. Mekonnen Abera ayaa caddeeyay in aanay Itoobiya ku koobnaan karin oo keliya isticmaalka dekedda Jabuuti, taas oo in ka badan 9.2 million oo metric tons u maraan. “Heerkayaga dhoofitaanku marba marka ka dambeeya wuu sii kordhayey, Kuma koobnaan karno isticmaalka deked keliya, waxaananu u baahanahay dekeddo kaleu  oo aan  aanu la Isticimaalno ayuu yidhi Mekonnen Abera.
Sida uu Agaasimuhu sheegay, fursada ugu wanaagsan waqooyiga Itoobiya waa dekedda Sudan. “Waqtigana waanu isticmaalnaa anagoo ka dhoofina badeecooyinka halkaa, isticmaalka fursadaha banaan waxay noo fududaynayaan inaan ka feejignaano in badeecooyinku nagaga raagaan dekeddaha iyo inaanu dhino kharashka keydinta, taas oo dhinaca kale ka caawin doonta dalka inay noo baaqato lacagata adag, si dhoofinteena iyo soo dejintu u noqdaan kuwo caalamka la tartama” ayuu yidhi Agaasimaha Baddaha Itoobiya Mekonnen Abera.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Somaliland  Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hadda ku sugan Itoobiya, ayaa waxa uu sababta aanay dekedda Berbera adeeggaas u wada qaban ku sheegay inay la xidhiidho wadooyin la’aan, baaxadda goobaha lagu keydiyo badeecooyinka u gudbaya dalalka kale iyo adeega xagga konteenarada oo yar awgeed.
“Midowga Yurub ayaa balanqaaday inuu naga caawiyo sidii aanu dekedda uga dhigi laheyn meel lagu soo hirto” ayuu yighi wasiirku, oo intaasi ku daray “Waxa ugu horeeya ee aanu sameynayno waa dhisitaanka wadooyinka iyo Train Cusub isku xira dekedda iyo magaalada xadka ku taala ee Togwajaale, si ay xukuumadda Itoobiya iyo ganacsatadeedu u isticmaalaan dekedda” ayuu raaciyey.
Maamulka Somaliland iyo  Dowlada Itoobiya waxay muddo sannad ka hor ah kala saxeexdeen heshiiska isticmaalka dekedda Berbera oo uu gar wadeen ka ahaa Daahir Riyaale Kaahin, taas oo dhinaca dalka Itoobiya ay soo bilowday dhisitaanka wadada isku xidheysa. Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan deegaanka Togwajaale oo ku yaala xadka labada dhinac.
Dhincale waxaa bill ka hor tagay magaalada Addis-sababa Axmed siilaanyo soona saxeexay heshiiskale oo Train lagu dhigayo Dekada berbera illaa iyo jigjiga. Waxaana qorshahan soo jeediyay dowlada maraykanka xilligii uu axmed booqday dalkaas. Qorshan Maraykana iyo itoobiya iyo somaliland ayaa isku raacay.

0 comments:

Post a Comment