Sunday, December 12, 2010

Culimada Seyniska oo Soo Saaray Qalab Cusub oo Duubaya Riyada Qofka Isagoo Qofku Ku Ceshan Karra Subixii Riyadii uu Ku Riyooday

CALIFORNIA(BCT)- Culimada ku takhasusay Sayniska oo maalinba maalinta ka danbeysa soo saarra waxyaabo cajiib ah ayaa markan sheegay inay soo saareen qalab duubaya Riyada uu qofku ku Riyoodo habeenkii ama marka uu hurdo, Culimadan aya sheegay in qalabka cusub ee ay soo saareen uu awoodo inuu duubo ama sawiro waxa maskaxda qofka habeenkii dhex maraya ama uu qofku ku Riyoodo iyadoo qofkaasi uu dib ugu soo ceshan karro markuu doono Riyadii uu ku Riyooday,
 Culimada Seyniska oo Soo Saaray Qalab Cusub oo Duubaya Riyada Qofka Isagoo Qofku Ku Ceshan Karra Subixii Riyadii uu Ku Riyooday

Warbixintan oo lagu soo qoray jariirada Nature ayaa Dr: Moran Cerf oo ka tirsan mac,hadka the California Institute of Technology uu sheegay inay isaga iyo kooxda Culimada ah ee uu madaxda u yahay ay ku guuleysteen inay soo saaraan qalabkaa isla markaana ay duubaan Riyada ay ku Riyoodaan dadku, Dr: Moran ayaa sheegay inay Tijaabooyin ku sameeyeen dad mutadawaciin ah isla markaana ay ku najaxeen inay akhriyaan ama duubaan waxay ku Riyoodeen dadkaasi,


Dr. Moran ayaa sheegay inay sawireen oo ay duubeen shaqada ka socota qeybta maskaxda kamida ee lagu magacaabo temporal lobe East taas oo ah qeybta qaabilsan Riyada iyo xusuusta qofka, Culimadan ayaa sheegay in qalabka Riyada duubayaa uu yahay sidii koofiyad oo kalle isla markaana madaxa loo galinayo qofka iyadoo uu duubayo wixii uu ku Riyooday isla markaana uu subaxii kusoo ceshan karro Riyadiisii xalay,


Dr. Moran ayaa sheegay in dadkii ay ku sameeyeen Tijaabada 70% ay sax noqotay Riyadii ay ku Riyoodeen isagoo inta ku daray inay ku faraxsan yihiin inay soo saaraan Qalabkaa duubaya Riyada dadka iyo in qofku awoodi karro inuu dib u daawado wixii uu ku Riyooday,


Dr: Moran ayaa sheegay in qalabkan uu u saamixi doono dad badan oo jecel inay arkaan riyada ay ku riyoodeen gaar ahaan qofka ku Riyooda qof uu jecel yahay isla markaana laga yabo inuu Riyadaa sii xasuusnaado maalintii oo dhan isagoo la dhacsan Riyadaa, Culumadan ayaa intaa ku daray in qalabkan looga faa,iideysan karro in lagu ogaado waxa uu doonayo ama maskaxdiisa ku jira qofka koomada ama xaalada miyir la,aanta ku jira mudada dheer,

0 comments:

Post a Comment