Wednesday, December 22, 2010

Ciidmada Amaanka Gobolka Togdheer oo Xoojiyay Amaanka Gobolka

Burco-(BCT)-Ciidamada Amaanka ee Gobolka Togdheer ayaa Xoojiyay hawlaha Amaanka lagu sugayo ee Gobolka iyadoo ay saraakiisha ciidamudu kor u qaadeen habkii iyo nidaamkii ay ciidamadu ku sugi lahaayeen guud ahaanba amaanka Gobolka Togdheer.

Ciidmada Amaanka ee ka hawlgala Magaalada Burco ayaa iyagu si gaara u adkeeyay nabadgalayada magaalada taas oo laga dareemayo waxyaabo aanay hore u baranin bulshada Gobolkani sida baadhitaanka gaadiid magaalada dhexdeeda taas oo ay ciidamadu baadhayaan  cid kasta oo ayu ka shakiyaan iyo ciidamada amaanka oo Roondo ku sameeya 6waaxood ee ay ka koobantahay magaalaad Burco.

Baraha Kaantoroolada ee Soo gala Magaalada Burco ayaa iyana geestooda ay ciidmadu adkeeyeen in gadiidku isaga socdaan si bilaa micni ah wixii ka danbeeya 10habeenimo kaas oo hadii uu gaadhigu ka danbeeyo uu u hoyanayo bartaaasi kantarool marka laga reebo gaadiidka u socda arimaha degdega ah sida Ambalanzeka iyo Baabuurta Dawlada.

Hadaba Qorshahani cusub ee ay ciidamada Amaanka Gobolka Togdheer ku ilaalinayaan amaanka guud ayaa iyaguna geestooda waxaa qayb weyn ka qaatay shacabka magaalada oo ku gargaaraya ciidamada amaanka inay u fududeeyaan wax kasta oo kor loogu qaadyo amaanka magaalada Burco iyadoo shacbiga Gobolknai Togdheer ay ku can baxeen taakulaynta ciidmada iyo ilaalinta amaanka iyaga oo hore ugu guulaystay inay gacantooda ku qabtaan dad damacsanaa inay falal hagar daamooyin ah u gaystaan qarankani dhisan ee Somaliland.

Hadaba mar aan wax ka weydiinayanay Bulshada Gobolkani sida ay u arkaan nidaamka cusub ee ay ciidamadu amaanku nabadgalayada gobolka u sugayaan ayaa waxa ay ku tilaameen in talaabadani ay tahay mid muhiima oo ka mid ahaa waxyaabihii ay ka filayeen xukuumada Cusub ee Somalilnd iyagoo si gaara u amaanay saraakiisha ciidmaada Booliska Gobolka Togdheer oo iyagu hadh iyo Habeenka u taagan ilaalinta nabada Gobolkani Togdheer.

Nuux Cali Maxamed waxa uu ka mid yahay Odoyada magaalada Burco waxa uu ka hadlaya waxa ay soo kordhi karto qorshayaasha cusub ee ay ku kaceen ciidamada Amaanka Gobolka Togdheer :

“Waxa aan aad iyo aad u mahadinaynaa ciidamada Amaanka ee Gobolka Togdheer oo ah inamadayadii waajibna ay ku tahay in sidan iyo si ka sii fiicanba ay u gutaan hawlahooda ilaalinta Amaanka qaranka maadama oo xiligani ay Somaliland doonayaan inay dhibaato u gaystaan inata neceb horumarkeeda balse hadaanu nahay shacbiga Gobolka Tpgdheer waan ku garab istaagi doonaa ciidmaada amaanka talaabo kasta oo ay ku sugayaan amaanka guud ee gobolka Togdheer xataa nafahayaga waan u hori doonaa sidaan hore ugu huraynay difaaca iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland oo ah mid aan yooyotan geli karin:”

Geesta kale Qaar ka tirsan Saraakiisha Ciidmaad Amaanka ee Gobolka Togdheer oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga ogaano hawlahani sugida amaanka ee cusub iyo sababta xiligani keentay ayaa ay ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ak bixiyaan iyaga oo hadalkoodii ku soo koobay inay tahay waajib qaran oo ah mid ay u hayaan Bulshadooda loona baahanyahay in laga wada qayb qaato.

Ugu danbaytii Talaabadani cusub ee ay qaadeen ciidamaada amaanka ee Gobolka Togdheer ayaa ku soo beeganmaysa xili ay dhawaan Dawlada etobiya Shaacisay inay Kooxaha islamiyiinta ah ee Somaliya ay qorsheenayaan Weeraro ay ku soo qaadaan Dalalka Somaliland iyo Etobiya.

0 comments:

Post a Comment