Monday, December 6, 2010

Weftigii ka Socda Qaramada Midoobay iyo Weriyayaal Caalami ah oo Booqday Xarumaha Shirkadda Dahabshiil

Hargeysa  (BCT)-  Xubno ka mid ah wefti ballaadhan oo ka socda Qaramada Midoobay iyo weriyayaal caalami ah oo ka tirsan hay’adaha warbaahinta ee adduunka ugu caansan oo socdaal ku yimi Somaliland, ayaa booqasho ku maray shalay xarumaha shirkadda Dahabshiil ee magaalada Hargeysa.

Weftigaas oo wakhti kooban ku sugnaa dalka, ayaa qaybtiisa baahinta oo ay metelayeen weriyeyaal ka kala socda Idaacadda iyo telefishanka BBC World Service, ayaa waxa uu socod-waraysi ah ka bilaabay dhismaha cusub ee shirkadda Dahabshiil ee badhtamaha magaalada Hargeysa, ka so horjeeda Saldhigga dhexe e.

Waxa weriyeyaashu si qoto dheer uga waraysteen Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil (Dahabshiil Group), Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid, marxaladaha, wax-qabadka, himilada iyo kaalinta dhaqaale ee shirkadda Dahabshiil u leedahay guud ahaan dadka Soomaalida ah meel kastaba oo ay joogaan.

Waxa weriyeyaashu danaynayeen inay ogaadaan oo sawir ka qaataan marxalad kasta oo diritaanka iyo helidda lacagaha xawaaladdu soo maraan, si taa loo gaadho waxay socod-waraysigooda ku gaadheen xarumaha shirkadda qaarkood oo ay ka mid tahay laanta weyn ee ka soo horjeedda suuqa Waaheen oo ay xilliga buux dhaafiyeen macaamiisha shirkadda ee dirsanayey ama qaadanayey ama sarrifanayey lacagaha. Weriyayaasha ka kala socdey labada qaybood ee Idaacadda iyo telefishanka BBC-da waxay ku kala baahiyeen waraysiyo dhinacyo badan leh macaamiishii halkaa ku sugnayd iyo saraakiishii shirkadda ee ay ka midka ahaayeen Maamulaha guud, Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo maamulaha laanta Mustafa Xiis.

Maamulaha Guud Mudane Cabdirashid waxa uu weriyeyaasha uga warramay guud ahaan adeegyada ay shirkadaha Dahabshiil u qabtaan macaamiisha, gaar ahaan sida ay ugu kala gudbiso lacagaha macaamiisheeda daafaha dunida ku kala nool oo ilaa 144 dal adeeggeeda laga heli karo. Waxa uu maamuluhu hoosta ka xariiqay sida ay shirkadda uga go’aan tahay horumarinta iyo dardargelinta hawlaheeda oo si joogto ah mar walba dib loogu qiimeeyo, korna loogu qaado.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhey Hawlaha samafal ee shirkaddu caanka ku noqotay ee ay bulshada u qabato, waxa uu yidhi, “Annaga ka shirkad ahaan hawl-maalmeedkayaga ayay ka mid tahay in bulshada laga kaabo wixii awood ah siiba dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, gurmadyada degdegga ah, nadaafadda, iwm. uma aragno,” ayuu yidhi Maamuluhu, “Wax culays ah iyo kellif toonna ee waa mid nooga dhigan waajib oo naga saaran bulshada aanu u adeegno.”

Waxa weriyayaasha BBCda, oo ay ka mid ahayd weriyaha caanka ah ee Zaynab Badawi, u xusheen booqashadooda iyo xogdoonkooda Shirkadda Dahabshiil iyo suuqa Waaheen si ay u muujiyaan horumarka iyo firfircoonida ganacsiga xorta ah.

Weriyeyaasha caalamiga ahi waxay qayb ka ahaayeen wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey madaxa laanta Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobsy ee UNHCR Mr. Antonio Gutteres.

Mudane Cabdirashiid Dahashiil Iyo Wariyada Zaynab Badawi Oo Hortaagan dhismaha Dahabshiil ee Badhtamaha Magaalada Hargeysa.

0 comments:

Post a Comment