Monday, December 20, 2010

Waanu Soo Dhawaynaynaa Aftida Konfurta Sudan Loo Qaadaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland

Waanu Soo Dhawaynaynaa Aftida Konfurta Sudan Loo Qaadaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland PDF Print E-mail
Sunday, 19 December 2010
Hargeysa  (TogdhNews)- Wasiirka arimaha dibeda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa  si weyn u soo dhaweeyey aftida bisha dambe laga qaadi doono dadweynaha ku nool koonfurta dalka Suudaan, kaasoo uu sheegay inay iridaha u furi doono qadiyda aqoonsi raadiska Somaliland.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta u waramayey idaacada BBC-d, waxaana uu sheegay inay aad u soo dhawaynayaan ka xukumad ahaan afitida laga qaadayo dadweynaha ku dhaqan koonfurta dalka Suudaan, taasoo uu sheegay inay soo dhawayanayso aqoonsiga Somaliland.
Md Cumar oo arintaas ka hadlayaa waxaa uu yidhi “Aad ayaanu u soo dhawaynaynaa aftida bisha dambe lagu waydiinayo dadweynaha ku dhaqan koonfurta Suudaan inay ka go’aan Suudaan inteeda kale iyo in kale, arintan hadii lagu guulaysto waxa ay iridaha u furaysaa qadiyada aqoonsi raadiska ee Somaliland.”
Sidoo kale Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar wasiirka arimaha dibedda Somaliland waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin shir ay mucaaridka Somaliland sheegeen in uu Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland uga socda magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

0 comments:

Post a Comment