Tuesday, December 14, 2010

War-Saxaafadeed: Madaxweynaha JSL Oo Cafis U fidiyey Muwaadinka Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir)

JAMHUURIYADDA                 SOMALILAND

Republic of                        SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL
Email:
mailto:afhayeenka_jsl@yahoo.com,afhayeenka@gmail.com,%28E-m:%20private%29%20cukuse@hotmail.com

Date: 13/12/2010
Hargeisa

War-Saxaafadeed

Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu Cafis ugu fidiyey Muwaadinka Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), ka dib markii uu Tix-geliyey Codsiga Muwaadinka oo Arjigiisa ku Cadeyey inuu yahay Muwaadan u hogaansan oo Aaminsan Qaran-nimada iyo Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.
Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi Sidan:-
Markaan Arkay:            Qodobka 90aad xubintiisa 5aad ee Dstuurka JSL.
Markaan La Tashaday:  Tallooyinka Masuuliyiinta ay Arrintani khusayso.
Markaan Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.
Waxaan Go’aansaday:-
In laga bilaabo taariikhda manta aan cafis gaar ahaaneed u fidiyo Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir). Oo Qaran-nimada Somaliland ka soo hor-jeeday in muddo ah.
ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

0 comments:

Post a Comment