Tuesday, December 14, 2010

Rigoore Rooni Cunay oo aan kala jajabin Manchester united ciyaar dhex martay Arsenal

 

 
14/12/12-U-k (Bnn )Ciyaar kulul oo caawa ku dhex martay garoonka Old Trafford ee carriga Ingriiska kooxaha Manchester United United iyo Arsenal ayaa ku dhamaatay 1-0, kadib markii kooxda Manchester kaga badisay Arsenal hal gool.


Ciyaartan oo aheyd mid xiiso leh ayaa waxaa ay labada kooxood soo bandhigeen xirfadooda kubadeed, iyadoona la is mari waayay afartankii mirir ugu horeeyay ee ciyaarta.

Daqiiqada 41-aad ayaa waxaa kooxda Manchester shabaqa ugu hubsaday gool qurux badan laacibka loo yaqaan Ji-Sung Park .

Rooney Wayne ayaa isna cunay ama qasaariyay rigoore loo dhiibay oo ku timid gacan taasoo uu dul mariyay birta goosha.

Manchester ayaa waxaa kulanka soo socda sugaya kooxda Chelsea kaasoo ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

0 comments:

Post a Comment