Tuesday, December 28, 2010

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Hawsha Dhismaha Biriijka Labaad Ee Caasimadu Gabagabo Ku Dhawdahay

Hargysa(BCT)- Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Somaliland Md.Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta shaaca ka qaaday in  dhismaha biriijka labaad ee caasimadu Gabagabo ku dhawyahay isla markaana lagu gudo jiro shudkii kaabadii  ugu damabaysay.


Wasiirka ayaa maruu saaka ku sugnaa goobta uu ka socdo dhismaha Biriijka Labaad ee caasimadu waxa uu sidaasi u sheegay xubno ka tirsan warfidiyeena, haaladiisiina waxa ka mid ahaa   “Maanta oo ay bishu  tahay 28 December, waxaa inoo bilaabmay Shubkii Biriijka qaybtiisii hadhsanayd Biinankii ugu waa waynaa ee hadhow hayn lahaa Sagxada sarre ayaa la shubayaa, halkaa waxaynu  ku arkaynaa Tiirar dhaadheer oo Garaa’idkoodii iyo wixii ay u baahnaayeen oo dhan lagu xidhay oo afar ah iyo qaar sida Suunka iskugu xidhiidhanaya oo u dhaxeeya.”


Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Markaa maanta intaas oo dhan ayaa la shubaya,  Intaasi marka ay inoo dhammaato haddii Allle yidhaahdo muddo ayaa la sugi doonaa ay tahay inuu isku bogsaddo oo uu adkaanshihii loogu tallo galay la yimaado, dabadeedna marka ay taasi sidaa ku qalasho ee Injineeradu inoo sheegaan inuu xilligii gaadhay oo imika lagu tallinayo inay ilaa 28 cisho noqoto, oo walibba inta ka horeysa aynu xidhan karno Looxyadii lagu qabanaayey Sagxada sare ee hoosta looga soo dhigaayey ay inoo xidhiidh-samaan  ayaa marka ay Mudadaasi inoo dhammaato la shubbi doonaa inta inoo hadhay.”


Waxa kale oo uu Wasiirku intaas ku daray  “Wixii intaa ka dambeeya waxa uu noqon doonnaa Xaal-xaalkii Biriijka oo ah inaan dhinac-yada laga dhicin oo hareerihiisa Birro la raacinayo iyo wixii Qurux ah ee la raacinayo sida biraha iyo wixii Biriijyada la raaciyo oo dhan, markaa waxa ugu dambaynaysa Laamaydii la dul marinaayey,  Hawshan inta ugu culus waxa weeye intan aynu Maanta dul taaganahay, markaa rajo wanaagsan ayaynu leenahay Biriijka oo intii u dambaysay ee xidhiidhinaysay aynu maanta shubbayno.”


Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadlay Muhiimada uu waxa wada qabsigu leeyahay isaga oo  arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Hawshani waxa ay callaamad u tahay waxqabadka Ummada iyadoo aanay ciddina naga caawin cidinna inoogu tarsheegayanayn inay Ummadu wax qabsan karayso Inshaa Alllaah kan iyo kuwo ka badan-ba iyo Mashaariic waa wayn-ba dhiiri gelinta aynu ka helnaa waxaan rajaynayaa inay inoo suurto gelisay inaynu wax qabsanno oo aynu isku tashano annigu.” Siadaana waxa yidhi Wasiirka hawlaha Guud ee Somaliland.

0 comments:

Post a Comment