Wednesday, December 15, 2010

Sirta Ku Jirta Oohinta Dumarka & Warbixin Cusub oo lagu Sheegay In Oohinta Dumarku Ay Tahay Hubka Ugu Cajiibsan ee Ay Xaqooda Kusoo Dhacsadan

BAXREYN(BCT)- Oohinta oo ah dariiq insaani-nimo oo Ragga iyo Dumarkuba ay leeyihiin ayaa hadana Raggu u yaqaanaa in Oohintu ay Ragga u tahay arin daciifnimo ku ah isla markaana wax u dhimaysa Ragganimadiisa, Laakiin Dumarka ayaa gabi ahaanba arintaa kaga duwan Ragga iyadoo Oohintu ay muujiso qalbi jileeca iyo naxariista dumarka,

Dumarka ayaa Oohinta kaga badan Ragga wakhtiyada Farxada & Murugadaba taasoo warbixintan Sabab uga dhigtay shakhsiyada dumarka oo ah mid xasaasi ah isla markaana uu Raad weyn ku sameyn karro waayaha aduunka ee kalla duwan haday ahaan lahayd wakhtiyada farxada iyo wakhtiyada murugadaba,
 
Warbixintan oo ay soo saartay jamacda dalka Baxreyn ayaa lagu sheegay in Oohintu ay tahay hubka ugu cajiibsan ee ay dumarku ku dagaalamaan isla markaana ay xaqooda kusoo dhacsadaan, Warbixintan ayaa sheegtay in Oohinta dumarku ay u isticmaalaan hub ay Ragga kulla dagaalamaan iyadoo laga yaabo in Ragga badankiisu hadii ay gabadhu Oydo inuu dareemo inuu khalad ku sameeyey ama uu ku gaf-fay,


Dumarka ayay warbixintani sheegtay inay Oohinta u kalla adeegsadaan siyaabo kalla duwan iyadoo dumarka qaarkii ay Ragga ku qasbaan ama ku kallifaan inuu Raalli galiyo marka ay ka ag oydo isagoo ninkaasi dareemaya inuu khalad ku sameeyey, Oohinta dumarka ayaa la sheegay inay tahay hub aad u fiican oo gabadhu ku gaadhi karto ujeedadeeda iyadoon wax dhibaato ah geysan,


Warbixintan ayaa tusaalle usoo qaadatay in dumarka qaarkii hadii dhibaato ka dhex dhacdo iyaga iyo Raggooda in anay dhibaato iyo muran badan u geysan ninka laakiin ay isticmalaan xoogaa calaa-cal ah iyo Oohin yar oo ay ku daraan tasoo laga yaabo in Ragga badankooda ay ku keento inay dib isu qabtaan xitaa hadii uu aad u cadheysnaa isla markaana gabadhaasi ay hesho muraadkeedii iyadoon wax dhibaato ah geysan,  Guud ahaan warbixintan ayaa lagu sheegay in Oohintu kamid tahay Sirta dumarka ee la sheegay inaan laga sal gaadhin,


 

0 comments:

Post a Comment