Monday, December 6, 2010

Maamulka Gobolka Togdheer oo Maanta Ku Wareejiyay Mulkiilayaashii Lahaa Gaadiid Lagu Kala Dhacay Inta U Dhaxaysa Burco iyo Laascaanood

Burco-(BCT)-Maamulka Gobolka Togdheer ayaa maanta ku wareejiyay mulkiilayaashii lahaa Baabuur lagu kala haystay inta u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood halkaasi oo hore loogu kala afduubtay in mudo ahna ku sugnaa Deegamadaasi.


Xalka gaadiidkani Loogu wareejiyay mulkiilayaashii lahaa ayaa ah mid ka yimi Maamulka gobolka togdheer iyo waxgardka labada dhinac oo si weyn arintaasi uga shaqeeyay kuna guulaystay in la soo afjaro kala haysashada gaadiidkaasi.


Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Muxamed Cabdi oo ka hadlayay muanaasibada lagula kala wareegayay gaadiidkani oo ka dhacday xarunta taliska Booliska Gobolka Togdheer ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan cid walba oo gacan ka gaysatay soo daynta gaadiidkni lagu kala haystay isaga oo si gaara u amaanay gudoomiyuhu waxgaradka oo qayb ka qatay arintani.


Gudoomiyihuu waxa uu baaq u soo jeediyay dadka ku kacaya arimahani noocani oo kale ah kaas oo tilmaamay in loo baahanyhay in laga dhawrasado wax kasta oo abuuri kara falal jidgooyo ah.


Geesta kale waxaa iyana ka hadlay isla goobtii lagula kara wareegay gaadiidkani mulkiilayaashii gaadiidkani oo tilmaamy inay ku faraxsanyihiin inay helaan gaadiidkoodii oo in mudo ahba ka maqnaa waxaanay si gaara ugu mahadnaqeen maamulka gobolka togdheer iyo cid kasta gacan ka gaysatay inay helaan gaadiidkooda.


Maaha markii ugu horaysay ee Maamulka Gobolka Togdheer ay kala wareejiyaan gadiid la kala dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Burco iyo Laascaanood oo mudooyinkii u danbeeyayba ay falalka noocani oo kale ahi ay ku soo badanyeen.

0 comments:

Post a Comment