Sunday, December 26, 2010

Mudaharaadkii Ardayda Jaamacada Hargeysa Oo Marxalada Cusub Galay+SAWIRO

Hargeysa(BCT)- Wararkii ugu dambeeyey ee khilaafkii ka taagnaa Jaamacada Hargeysa ayaa waxa ay tibaaxayaan in  Galabta ay Dib ugu bilaabmeen  Mudaharaadyo iyo rabshado,isla markaana ay ardaydii Jaamacdu laba Garab u kal jabeen, mudaharaadkii galabta ayaa waxa uu   marii dambe gaadhay in ardaydii mudaharaadaysay ay cabashadooda la hor tageen Qasriga Madaxtooyada, halka Garbkalena ay Kulan la yeesheen Madxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md.Saylici Oo ay ka dalbadeen in Jaamcada bari dib loo furo.

Galabta ayaa waxa Xarunta Jaamacada isugu yimid Gudoomiyaha Jaamacada Md.Muuse Cabdi Cilmi Iyo Guddoomiyaha Guddida sare ee Jaamcada Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Maamulka Iyo Arday Jaamcada, waxa ay warku tibaaxayaan in masuuliyiintaasi ay doonayeen in ay la ardayda cabanaysay isla markaana ay dajiyaan, “waxa ay rabshadu galabta ka bilaabantay ka dib markii uu Hoolka Jaamcada oo ay wakhtigaas kuj sugnaayeen Ardaydii, Guddidii sare, iyo Maamulkiibada uu soo galay Gudoomiyaha Jaamacada Md.Muuse Cabdi Cilmi ka dibna ay shacab ku soo  dhaweeyeen qaar kamida ardayda Jaamacadu, isla markaan ay ku ooriyeen qaar kale oo ka mida ardaydu, intaas ka dibana waxa bilaabmay gacan ka hadal dhex maray labda garab ee Ardayda, waxa Ciidankii Booliska ee Goobta ku sugnaa rasaas cidka u rideen.” Sidaa  waxa yidhi mid ka mida ardayda oo u waramayey shabakada Caalamiga ah ee Oodweynews.

Waxa kale oo ay wararku intaas ku darayaan in kadib markii ay rabshaduhu dib u bilaameen in Garabkii Arday ee ka soo  hor jeeday  Go’aankii uu Dhawaan soo saaray  Madxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxmuud Siilaanyo, ee uu ku magacaab ay Guddida iyo Guddomiayaha Jaamacada , ayaa waxa ay isku soo shubeen dhinaca Qasriga Madxtooyada oo uu ku sugan yahay Madxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Waxa ay ardaydasi markii ay Soo gaadheen Qasriga Madxtooyada ay xidheen wada hor marta Madxtooyada, waxana ay fadhfadhiisteen Alalaabka hore ee Madxtooyada ardayada ayaa waxa ay markaasi dal banayeen  in Madxweyne Siilaanyo ka noqdo Gonaakiisii uu  Jaamacada Hargeysa si ku meel gaadh ah ugu magacaabay Gudoomiye in uu ka Noqdo Md.Muuse Cabdi Cilmi , halka ay Foosiya Yuusuf X Aadan na uu Madaxweynuhu u magacaabay in ay Guddoomiye u noqoto Guddida Sare ee Jaamcada Muddo afar Bilood ah, waxa ay ardaydu u soo jeediyeen in uu ka noqdo Madaxweynuhu Go’aankaas.

Waxa markiiba Goobtaas oo gaadhay Cutubyo ka tiran Ciidanka Booliska, oo uu Hogaaminayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Jen.Cilmi Rooble Furre(Kabaal), ciidankaas oo isu diyaarianayey in ay sugaan amaanka Agagaarka Qasriga Madxtooyada.

Mudaharaadkan Galabta dhacaya ayaa waxa uu xidhiidh la leeyahay mid Saanka Subixii ka dhacay Xarunta Jaamacada Maamulka Jaamacada ayaa shirar Jaraa’id  oo  ay qabteen maanta ayaa waxa ay ku cabaareeyey cidii mudaharaadkan  soo abaabushay waxa ay ku tilmaameen kuwo Qaranka Somaliland dambi weyn ka galay, isla markaan waxa ay Xumkuumada u soo jeeduyeen in talaabo sharciga waaqasan laga qaado dadkaasi.

Wararku waxa kale oo ay Tibaaxayaan in Garbkii kale  ee taabacsanaa Go’aanka Madaxweynhu ay Galabta kulan layeesheen Madaxweyne Ku Xigeen Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici isla markaana ay ka dalbadeen  in maalinta bari ah dib loo furo Jaamacada Dawlada Somaliland ay damaanad qaado amaankooda, waxa kale oo ay ardayadaasi Madxweyne Ku u xaqiijiyeen in ay taabac san yihiin Go’aankii Madxweyenahu Maamulka Cusub ugu soo magacaabay Jaamacada.


0 comments:

Post a Comment